Hargeysa – Ciidamada Madanigu waxay ahaayeen ciidamo dhismaayey Muddo laga joogo laba sanadood ku dhawaad Iminka.
Waxaanay ahaayeen ciidamo ay keeneen duruufo siyaasadeed oo la soo dersay Dalkeena.
Waxaan qabaa duruufahaas abuuray Ciidankaas in ay ka guulsaysteen suurta galna ay ka dhigeen difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Waxaan qabaa in la soo gaadhay waqtigii la tayayn lahaa lana dhisi lahaa ciidamadaas Madaniga ah.
Waxaan qirayaaa in dhaliihii ugu waawaynaa ee looo soo jeedin jiray dawladiii hore ay kaw ka ahyd Qaramaynt Ciidamada Madinaga ahi.
Haddaba Ciidamadoo la qareemeeyaa waxaa u soo kordhaaya:
1. Dhaqaale shaqsiyeed
2. Darajo shaqsiyeed
3. Gargaar Caafimaad
4. Cilmi iyo Aqoon malatari
5. Iyo inay qayb ka noqdaan Hay’badda qaranka ee ay shalay ku difaacayeen Dhiigooda, dhaqaalahooda iyo hub kooda iyaga u gaarka ahaa.
Waxaaan qabaaa inaany jirin cid si gooniya awood ugu leh jnay dhaqaalayso isla markaana hubayso ciidamadan noocan oo kale waxaase qaramayn kara oo keliya dawlad taasoo u adeegsanaysa cashuurta lagaa qaado, laga qaado iyaga iyo dhammaan cashuurta laga qaado shacabwaynaha Somaliland.
Waxaan qabaa cid kastoo ka soo horjeesata qaramaynta ciidamada madaniga ahi inay u jeedo gaara ka leeyihiin.
Waxaana aan shacabka u sheegayaa isla kuwaasi inay ahaayeen kuwii shalay ku dhaliilaayey dawladii hore maxay u qaramayn waayeen ciidamada Madaniga ah.
Qaramaynta Ciidankan macnaheedu maaha dhulkoodaa laga rarayaa iyo hubkoodaa laga qaadayaa laakin macanaheedu waxaa weeye xoolaa la siinayaa darajaa la siinayaa Gargaar caafimaad baa lasiinayaa waxaanay dalkooda iyo dadkooda difaacayaan Iyagoo Qaybo iyo Guutooyin magacyo caan iyo xasaanado ciidan leh.
Ugu danbayn Waxaan qabaa in aynu ku wada hambalyayno talaabadan uu qaaday Madaxweyne Abdirahmaan oo aan qabo inay tahay guul kale oo u soo hoyatay dawladiisa muddo yar oo kooban oo uu kursiga fadhiyey.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Xildhibaan hore Mohamed Ali Xirsi (Obaama).