Qaramadda Midoobay Oo Ergay Gaara U Magacawday Dalalka Geeska Afrika

0
886

Geneva (Hargeisa Press.com): Xoghayaha guud ee  Qaramadda Midoobay António Guterres,  ayaa magacaabay ergay gaara oo u qaabilsanaan doona  dalalka Geeska Afrika.

Mr. António Guterres, ayaa sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray xarunta Qaramadda Midoobay ee Geneva. Tallaabadani ayaa imanaysa xili ay jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa meesha ka saartay ergaygii u qaabilsanaan jiray dalka Soomaaliya.

Iyadoo haatan lagu bedelay ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan dalalka Geeska Afrika oo dhan, halka markii hore qaramadda midoobay ay dalka Soomaaliya ergay gaar u soo magacaabi jireen.

Ergaygan oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Parfait Onanga-Anyanga, ayaa u dhashay dalka Gabon. Waxaana la sheegay in uu yahay nin khibrad iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha qaramadda midoobay, isla markaana meello kala duwan ka soo shaqeeyay.

Waxaanu soo noqday wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan dalka jamhuuriyadda Afrikadda Dhexe iyo madaxa UN-ka ee barnaamijka xoojinta is-dhexgalka bulshadda ee dalka Jamhuuriyadda Afrikadda Dhexe.

Mr. Parfait Onanga-Anyanga, ayaa sanadkii 2015-kii waxaa loo magacaabay madaxa qaramadda midoobay u qaabilsan isku-dubaridka xarunta ka jawaabista dhibaatooyinka ka yimaadda ururka islaamiga ah ee Boko Xaram  ee dalka Nigeria.

Isagoo xiligaas ka hor soo ahaa madaxa xafiiska jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee dalka Burundi, sanadihii  2012-2014-kii. Sidoo kale Mr. Onanga-Anyanga, ayaa sanadihii 2007-dii iyo 2012-kii waxa uu soo noqday agaasimaha xafiiska qaramadda midoobay ee xoghayaha guud.

Waxa kaloo uu hore u soo ahaa la taliyaha gaarka ah ee dejinta arrimaha shirarka guud ee UN-ka, sanadihii 2005-tii iyo 2007-dii. Intii u dhaxaysay sanadihii 1998-kii  ilaa  2004-tii, waxa uu ka shaqeeyay xafiiska guddiga diyaarinta iyo maamulka siyaasadda ee heshiiskii tijaabinta Nuclear, ee u dhexeeyay Vienna iyo New York.

Mr. Parfait Onanga-Anyanga, waxa uu sanadkii 1960-kii ku dhashay dalka Gabon. Waxaanu shahaadadiisa koowaad ee jaamacadda Pantheon-Sorbonne ee magaaladda Paris oo  ku qaatay political science. Waxaanu leeyahay  hal xaas iyo saddex caruur ah.

Halka uu waxbarashadiisa shahaadadda labaad ee master’s degree uu  ku qaatay culuumta arrimaha bulshadda jaamacadda l’Université Omar Bongo, ee dalka Gabon.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY