Qaramada Midoobey oo Wefti Culus U Soo Diraysa Somaliland

0
1534

Hargeisa (Hargeisa Press) – Qaramada Midoobay ayaa Wefti culus u soo diraysa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa la sheegay in Maalmaha soo socda ay Somaliland safar ku imanayaan Wefti ka socda Qaramada Midoobay, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Ma jiro War Rasmiya oo weli ka soo baxay Safarka Weftiga Qaramada Midoobay, balse waxa la sheegay inay dalka u imanayaan xal u helidda khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay dalka, ka dib markii ay soo baxday in qorshaheeda Waxqabad ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay ka Dawladda Soomaaliya.

Hore, waxa dhowr jeer khadka Telefoonka ugu wada-hadlay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada-hadlay sidii loo soo afjari lahaa xurguftaasi, balse illaa hadda ma muuqdo xal la gaadhay.

LEAVE A REPLY