Qaramada Midoobay oo walaac xoogan ka muujisay xiisadaha ka taagan Muqdisho

0
418

Mugdisho— Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacayay xalay iyo saakay oo jimco ah.

Waxay ugu baaqeen deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ay boorriyeen in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha kasoo cusboonaaday Muqdisho.

Bahda Qaramada midoobay waxay sheegeen in degdeg lagu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta doorasho.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan kadib markii dowladda federalka ay bandow kusoo rogtay magaalada ayna rasaas ku kala erisay mudaharaad ay hoggaaminayeen mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here