Qaramada Midoobay oo Tababar la Xidhiidha Xuquuqda Aadamaha iyo Jinsiga u Furtay Garsoorayaasha Cusub ee Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida

0
831

Hargeysa,(HargeisaPress)— Tababar loogu talo galay in ay shaqada kula qabsadaan garsoorayaasha cusub ee Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida  ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa, Somaliland, iyadoo muhiimadda la siinayo shuruucda ciidanka, xuquuqda aadamaha iyo arrimaha jinsiga.

Hadalkii furitaanka ee bilowga labada maalmood ee tababarka, madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa, Simon Strachan, wuxuu iftiimiyay muhimadda ay leedahay adkaynta ku-dhaqanka sharciga,   iyo  inuu garsoorku noqdo mid wax-ku’ool ah, lala xisaabtami karo oo daahfuran, kaas oo lama-huraan u ah dhawridda xuquuqda assaasiga ah iyo dimuquraadiyadda. Kadibna Agaasimaha Waaxda Hub-kadhigista, Abaabul-ka-saarka iyo Dib-u-jihaynta ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdillaahi Nuux Xasan ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Maxkamadaha Ciidamada Somaliland.

Dhankiisa, Hormuudka Kulliyadda Sharciga ee Jamacadda Hargeysa, Prof. Maxamuud Xuseen Faarax wuxuu carabka ku adkeeyay mabda’a ah in dadka oo dhami u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka sharciga hortiisa iyo bixinta adeeg garsoor oo madaxbannaan oo aan kala sooc lahayn  sida ku xusan Dastuurka Somaliland.

Iyadoo ay garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyaasha maxkamadaha ciidamadu yihiin sarakiil isugu jira  milatari iyo boolis leh sharciga khibrad iyo aqoon, tababarkan Qaramada Midoobay fududeynaysaa  waa mid wax lagaga baranayo khibradda   garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha sare ee maxkamadaha ciidamada qalabka sida ee la xidhiidha doorarkooda cusub iyo  faahfaahinta shuruucda militariga, nidaamka iyo hanaanka, sida maareynta kiisaska iyo kaydinta  diiwaanka. Sidoo kale, tababarkani wuxuu fursad u yahay garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha Burco iyo Hargeysa, isku-xidhnaanshahooda, khibrad-wadaaggooda iyo in ay ka doodaan sida loo wanaajiyo hanaanka garsoorka maxkamadaha.

Maalinta labaad ee tababarka, khabiir ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee  Hargeysa ayaa siin doona garsoorayaaasha iyo xeer-ilaaliyaasha tilmaamo la xidhiidha doorkooda adkaynta  xuquuqda aadamaha iyo xaqa helitaanka maxkamad caddaalad ah. Intaa waxaa dheer La-taliyaha Booliska ee Qaramada Midoobay ee jooga Hargeysa wuxuu garsoorayaasha ku baraarujin  doonaa ka-warhaynta arrimaha jinsiga marka ay go’aan ka gaadhayaan kiisaska horyaalla iyagoo diiradda saaraya aqoonsashada iyo wax ka qabashada fikradaha khaldan ee jinsiga ku salaysan. Ujeeddadu waa  in la hubiyo in garsoorayaashu go’aamiyaan kiisaska iyagoo ku saleynaya mabda’a sinnaanta ee lagu  xusay halbeegyada xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah oo uu ku jiro Heshiiska Cidhibtirka Dhammaan Noocyada Takoorka ee ka Dhanka ah Haweenka.

Tababarkan ayaa ah kii ugu horreeyay tababaro  taxane ah oo Qaramada Midoobay  u qabanayso maxkamadaha ciidamada qalabka sida sannadkan. Qaramada Midoobay waxay kaloo dhiirrigelineysaa in dumarku ka mid noqdaan  garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha maxkamadaha ciidamada qalabka sida.

DHAMMAAD

Wixii macluumaad dheeri ah waxaad kala xidhiidhaan Mustafe Khayre: Mustafe.khaire@one.un.org 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here