QAARADA AFRICA WAXA AY DHIBANE U TAHAY WADAMADII REER YURUB EE GUMAYSTAY !!!

0
1464
Africa waa qaarada ugu khayraadka badan aduunka , waa qaarada daymaha ugu badan lagu leeyahay , waa qaarada mucaawimada ugu badani ku baxdo ) !!
Dhamaadkii qarnigii 18 naad 1884 ayaa wadamada reer galbeedku ku soo duuleen qaarada Africa oo ay qaybsadeen , xiligaasi oo ay qaarada Africa ka jireen maamulo kooban oo dawlado ahaa , laakiin ay dadka africa lahaayeen nidaam dhaqan oo ay isku maamulaan , kuna noolaayeen noloshoodii rasmiga ahayd ee dabeecada iyo deegaanka Alle ku abuuray bartay .
Xiligaasi oo Africa lafteeda ay ka jireen xadaarado iyo dawlado qadiim ahaa oo ka soo jeeday ilbaxnimooyin iyo xadaarado hore hadana waxa lagu muquuniyey xoog iyo awood si loo dhalan rogo , waxaana la inoo sameeyey xuduudo iyo maamulo dawlado ah .
Waxa la inoo keenay waxbarasho , dhaqan iyo nidaam maamul oo aynaan hubsan in uu ku haboon yahay qaarada aynu ku noolahay , waxaana uu gumaystayaashii Africa ka tageen iyada oo laba kasta oo dal ay xuduud isku haystaan laba kasta oo qoomiyadood oo meel kuwada nooli aanay heshiis aheyn , waxaana uu inagaga tagey ardey uu wax baray oo intooda badani qaadatay hab dhaqankii iyo waxii gumaystuhu baray.
Iyada oo ay xad gudub inagu ahayd in Africa lagu soo duulo oo inaga oo dad nool ah oo jira la inoo qaybsado sidii xoolaha , haba la ina qaybsadee la ina sii qayb qaybiyey oo la isku keen diray , oo uu inaga raray aqoontii ku haboonayd deegaankeena ee dabeecadu ina bartay oo uu inoo keenay aqoon 90% aan ina anfacayn , halkaasi waxa inagaga lumay nolol , xoolo , dhaqan , dadnimo iyo wax aynu iskeen u lahayn.
Waxa hadana soo baxday in dadkii ay inagaga tageen iyo ficiladii iyo waxii la inoo soo waariday uu saameyn xun oo baaba ka dhigtay Africa inagu yeeshay , saameyntaasi oo noqotay gumeysi maskaxeed in lagu sameeyey dadka qaaradan Africa si aanay wax u qabsan waxaana laga dhigay saylad ganacsi oo waxa dunida kale samayso suuq u ah oo iyaga uun wax ka iibsata.
Waxa xusid mudan in madaxdii iyo dadkii aqoonta lahaa ee qaaradan Africa u dhashay ee garanayey dhibaatada gumeysiga iyo in la rabo in qaaradan laga danaysto in la laayey , badhna laga qabsaday dadkoogii oo ay u dhinteen niyad ahaan , taasi oo ah nooc ka mid ah gumeysiyada noocyada ugu xun.
Raadadkaasi waxa ay Africa ku reebeen in ay gudaheega is gumaado oo la isku haysto dhibaatooyin aan dhamaan oo ilaa maanta ay qaarada Africa la ildaran tahay , iyada oo lagu tirinayo qaarada dhaqaale ahaan ugu qanisan aduunka , hadana ugu gaajada iyo macaluusha badan .
Qaarada Africa waxa aan aaminsanahay in lagu beero xanuuno aan aduunka kale ku dhicin oo laga dhigtay meel aduunku wax ku tijaabiyo , waxaana tusaaleyaal nool u ah xanuunada Hiv/Aids , Ebola iyo qaar badan oo kale oo Africa dadkeeda madhiyey oo ilaa maanta lala tacaalayo , marba lagu tijaabinayo daawo la soo saaray.
Qaarada Africa waxa loo soo raray colaado iyo xasilooni daro aanay Africa dhaqan u lahayn oo  ay ka mid yihiin dagaalada argagixisada ee mashaariicda reer galbeed wato ah , dagaalada  dadka Africa la isku hubeeyo ee qabiil qabiil iyo  ardaa-ardaa la iskula hor fadhiyo si aan halkaa hore loogaga dhaqaaqin oo dadka Africa waligood madaxa iskula jiraan .
Qaarada Africa iyo dadkeeda waxa laga baabiiyey noloshii qofka Africanka ahi isku filaa  ee uu cuntadiisa iyo hugiisaba isagu lahaa ee aanu waxba cid kale uga baahnayn , waxaana laga dhigay baahaneyaal gacmaha reer galbeedka iyo dunida kale uun kor u eegaya iyada oo lagu baabiiyey dhaqaale sumaysan oo caawimooyin ah kuwaasi oo dadkeenii ka dhigay fadhiid.
Qaarada Africa saameyntii gumeysigu kaga tagey waxa ay gayeysiisay in dadkeedii ka yaacaan oo ay xoog la rarto iyo maskaxo la shiilo u noqdaan kuwii Africa sidaa u galay oo ahaa Reer Yurub iyo dawladaha reer galbeedka .
Qaarada Africa waxa la isku raacsan yahay in ay tahay qaarada ugu khayraadka badan aduunka , hadana waa qaarada dadkeedu ugu saboolsan yahay aduunka , waa qaarada mucaawimooyinka ugu badan aduunka kale ku bixiyo iyada oo meel ay ka muuqato hadana aan la arag deeqaha iyo dhaqaalaha Africa la siiyaa.
Haddaba marka waxii gumeystayaashu Africa u geysteen iyo saameyntoodii la isku soo ururiyo , ilaa maanta qaaradii Africa waxa ay tahay qaarada Aduunka ugu liidata aqoon ahaan , nolol ahaan , horumar ahaan , maamul iyo siyaasad ahaanba waxaana dhaxal u noqday oo daashaday dhib dadka Africa ka siman yihiin oo ah ;
1- Maamul Xumo
2- Musuq-Maasuq
3- Shaqo la’aan
4- Xasilooni darro
5- Abaaro iyo macaluul
7- Aqoon yaraan
Arimahani oo sababay in ay Africa noqotay qaarada ay dadka ugu badani ka haajiraan iyaga oo u socda qaaradaha kale ee aduunka si ay nolol u raadsadaan.
waxa kale oo iyaduna jirta in Africa noqotay qaaradaha aduunka dadkoogu aad u kordhayaan iyaga oo waxan oo duruufo ahi ay jiraan taasina waxa ay sii kordhinaysaa cidhiidhiga nolosha iyo dhibaatooyinka hadii aan Alle faraj kale u bixin.
Waxa iyaduna wax laga niyad xumaado ah nidaamka maamulada iyo dawladaha Africa ka jiraa intooda ugu badani u shaaeeyaan oo sababa dhibaatooyinka aynu kor ku soo xusnay iyo qaar kale oo badan , oo xataa aan intooda badani ka soo muuqan doonin rejo mustaqbalka laga qabi karaa marka aad eegto hab dhaqankooda.
Dhibaatooyinkan oo dhan waxa lagaga bixi kara iyada oo dadka la xoreeyo oo gumeysiga maskaxda ee sawaaban laga saaro si aynu usii ahaan karno umad African ah oo jirta oo aduunyada kale la tartanta isla markaana wax cusub oo wanaag iyo horumar leh aduunyada ku soo kordhisa.
Muhamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama

LEAVE A REPLY