Qaabka 18-ka May Looga Xusay Magaalooyinka Boorama, Ceerigaabo, Laacaanood, Burco, Berbera iyo Gabiley

0
1021

Boorama (Hargeisa Press) – Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay munaasibadda 18-ka May oo ka soo wareegtay 31-guurada maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991-kii.

Waxaa magaalooyinka laga xusay xuska maalinta qaran ee 18-ka May ka mid ah Magaalada Hargeysa, iyada oo kumanaan dhalinyaro, dumar iyo waayeel ahi ay subixii hore ee saaka iskugu soo baxeen fagaarahayaasha loo asteeyay in loogu dabaal dago munaasibadan.

Sidoo kale, magaalooyinka sida weyn looga debaal-degay, ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Boorama, Berbera, Gabiley, Ceerigaabo, Laacaanood iyo Burco.

Ciidamada kala duwan, shirkadaha, dugsiyada waxbadarashada, ururrada bulshada iyo dadyow kale oo is abaabulay, ayaa wadooyinka magaalooyinkaas ku maray socod iyo gaardis.

Waxaana dadweynaha magaalooyinkaas kala qayb-galay xuska munaasibada 18-ka May, masuuliyiinta qaranka iyo saraakiisha ugu sarreysay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Maalinta Xoriyada Somaliland waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Somaliland iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland u dhashay, iyada oo ay maalntani ku suntan tahay maalinta qaranimada Somaliland.

Magaalada Hargeysa

Magaalada Boorama

Magaalada Berbera

Magaalada Burco

Magaalada Ceerigaabo

Magaalada Laacaanood

Magaalada Gabiley

LEAVE A REPLY