Puntland: Qarax Caawa Ka Dhacay Garoowe iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
692

Garoowe (HP): Qarax uu gaystay qof is-miidaamiye ah ayaa caawa fiidkii ka dhacay magaaladda Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Qaraxaasi  ayaa lala beegsaday goob ay fadhiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Sida ay dad goob joogeyaal ahaa sheegeen.

Waxaana qaraxaasi dhaawac culusi ka soo gaadhay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi dhaaawacmay 2 qof oo kale oo mid yahay taliyihii hore ee qaybta boolis gobolka Nugaal Faarax Galan-doll, oo dhaawac fududi soo gaadhay.

Dadkii qaraxaasi ku dhaawacmay oo uu ka mid yahay guddoomiyaha ayaa la geeyay cusbitaalka Garoowe.

Qaraxan ayaa ka dhacay barxada dadweynaha ee bartamaha magaaladda Garoowe halkaasi oo uu ku yaalo taliska Booliiska Puntland iyo saldhiga magaalada iyo sidoo kale xarunta hay’ada sirdoonka ee PISA.

Geesta kale ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi iyo cid loo qabtay toona.

Sidoo kale masuuliyiinta amaanka ee Puntland ayaan weli ka hadal qaraxaasi.

Dhinaca kale waa qaraxii labaad oo noociisu ahaa ismiidaamin oo ka dhaca Garoowe tan iyo markii maamulka Puntland la aasaasay.

Qaraxii kowaad oo ismiidaamin ah ayaa Garoowe ka dhacay sanadkii 2015-tii, waxaana lala beegsaday shaqaalaha qaramada midoobey ee Garoowe.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here