Puntland Oo Shaacisay Dagaal Ay Ku Soo Qaadayaan Somaliland

0
1026

Yube (Hargeisa Press.com): Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay dagaal ku soo qaadayaan fadhiisimadda ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee goboladda Bariga dalka gaar ahaana Sanaag.

Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo maanta kormeer iyo booqasho ku yimid fadhiisimadda ciidamo maamulkaasi ka jooga degaanka Yube oo ka tirsan gobolka Sanaag, ayaa shaaciyay in ay ka go’an tahay dagaal ay ku soo qaadaan Somaliland.

Degaanka Yube, oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dhawaan waxaa ku ruqaansaday guutooyin ka tirsan ciidamadda qaranka Somaliland, halkaasoo horaantii bishan ay dhaq-dhaqaad ka sameeyeen maleeshiyadda Col. Caare, oo laga soo abaabulo Puntland.

Sida laga arki karo muuqaal lagu baahiyay website-yadda qaarkood wasiirradan iyo xidhibaanadan ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa meel ay ku sheegeen in ay tahay Yube, waxay kula hadlayaan ciidamo hubaysan.

Inkastoon magacyadda masuuliyiinta lagu sheegaynin muuqaalkan, hase yeeshee hadallo ay goobtaas ciidamadda uga jeediyeen  waxay dhamaantood ka midaysnaayeen in ay weerar ku soo qaadayaan ciidamadda qaranka Somaliland.

Halkan Ka Daawo Muuqaalkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY