Puntland oo Ku Eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya Inay Colaad Ka Hurineyso Somaliland

0
1941
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Hargeisa Press)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca gudaha Somaliland.

Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareyso Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya.

Deni ayaa eedeyntani jeediyay mar uu wareysi siinayay telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC-da.

”Waxaan maqleynaa iney xukuumadda Soomaaliya waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan”, ayuu yidhi Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo waxlaga weydiiyay waxa ay yihiin waxyaabaha dagaalka horseedi kara ee ay dowladda Federaalku waddo ayaa waxa uu yidhi, ”Waxaa ka mid ah oonu ognahay iney gacan dhaafto Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadlayso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda Somaliland”

Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso heshiis laga gaadho qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay “wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha”.

Deni wuu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo waxa ay qorshayaashaasi yihiin. Muran dhuleed ayaa u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.

”Inagu ma rabno inaan qaadano doorka ay leedahay dowladda Federaalku laakin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano inkastoo ayna jirin wax talo ah oo nala weydiiyay balse haddii taladayada loo baahdo doorkayaga waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here