Puntland iyo Jubbaland Oo Digniin U Diray Dawladda Federaalka Soomaaliya

0
619

Boosaaso (HP): Shir laba maalmood uga socday magaaladda Boosaaso maamul goboleedyadda Puntland iyo Jubbaland ayaa laga soo saaray war-murtiyeed dhaliilo iyo baaq loogu jeediyay dawladda federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ka mida iskaashiga maamuladda xubnaha ka ah dawladda federaalka waxaa ka qayb gelay madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid C/laahi Deni.

Waxaanay war-murtiyeedkoodda kaga digeen in dawladda federaalku siyaasadayso mashaariicda horumarinta taasoo ay sheegeen in ay sii murgin karto xaaladda dalka.

War-murtiyeedkaasi oo ka koobnaa shan qodob waxaa ka mid ahaa waxyaabihii ay kaga hadleen in xoriyadiisa loo soo celiyo wasiirkii amniga Jubbaland oo ku xidhan magaaladda Muqdisho.

Waxay labadda maamul isku waafaqeen in ay jiraan caqabado dhaawacaya hirgelinta nidaamka federaalka dalka oo ka imanaya dhinaca xukuumadda Farmaajo.

Halkan Hoose Ka Akhriso War-murtiyeedkaasi:

Dhinaca kale madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe, oo hadal dheer ka jeediyay xihditaanka shirkaasi ayaa dhaliilo culus u diray xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxaanu ku eedeeyay dawladda Farmaajo in ay dhibaatooyin kala gedisan ku hayso maamulkiisa, isla markaana ay dumin iyo fur-furis ku hayso Jubbaland, arrimahaasi oo uu ku tilmaamay wax aan loo dul qaadan Karin.

Halkan Ka Daawo Hadalka Axmed Madoobe:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here