Prof. Cali Khaliif Oo Eedeeyay Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya

0
1308

Muqdisho (Hargeisa Press): Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay dagaal xoogan ka gashay sidii aanay marnaba bulshadda degaamadda Sool, Sanaag Bari iyo Cayn wax maamul ah u dhisteen.

Waxaanu sheegay in Puntland ay miisaaniyadoodda 18% ka mida  u qoondeeyeen in lagaga hor tago sidii aanay dadka Sool, Sanaag Bari iyo Cayn u noqdeen bulsho han iyo hiigsi leh.

Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Muqdisho oo mudooyinkan ku sugan yahay ayaa sidoo kale madax dhaqameedka Sool ku dhaliilayay in ay lacag yaroo san-dareero ah ka qaataan Puntland.

Halka Somaliland oo ay ka qaataan lacag aad u badan, isla markaana lacagta yar ee ay Puntland ka soo qaataan ugu sheegaan mid ay dagaal ka dhan Somaliland ku abaabulayaan.

Cali Khaliif, ayaa sidoo kale Puntland ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin eryadda ay madax dhaqameedka reer Sool ku beer-laxawsadaan ee ay ku sheegaan in ay hayb iyo degaan wadaan.

Halkan Ka Daawo Hadalka Cali Khaliif Galaydh:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY