Prof: Cabdi Ismaaciil Samater oo Falanqeeyay Kulankii Dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya

0
1893

Washington (Hargeisa Press)- Prof: Cabdi Ismaaciil Samater oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida islamarkaana ka faalooda siyaasada Geeska Afrika iyo caalamaka ayaa waxaa uu falaanqeeyay kulankii wadahadalada ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalka Jabuuti.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samater ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wanaag ka rajaynayaan shirkaasi.

Waxaa aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samater sheegay in ay dowladda Xamar ka talisaa ay mudo xileedkoodu gebagabo ku dhowyahay, xukuumada Madaxweyne Muuse Biixina aanay ka sii fogayn oo gudheedu daciif tahay, islamarkaana uu wadahadaladaasi ka rajaynayo inay ka soo baxaan wax dadka Soomaaliyeed meeshay joogaanba ha joogaanee uqalma.

“Wixii keenay Allaa og iyo dadka ka dambeeya iyo dowladda Jabuuti, waxaanse isleeyahay dowladda Xamar katalisaana waa gebagabo, tankalana kama sii foga oo gudheedu daciif bay tahay, marka waxaan rajaynaynaa Ilaahayna aan ka baryeynaa gebagabadaas ay yihiin inay ka soo baxaan wax dadka Soomaaliyeed meeshay joogaanba ha joogaanee uqalma.” Ayuu yidhi Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here