Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ku Taliyay In Doorashooyinka Wakhtigooda La Qabto, Kana Hadlay Baaqii Beesha Caalamka Ee Saax-Dheer

0
1061

samatarHargeisa,(HargeisaPress) — Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahanada reer Somaliland, isla markaana aad ugu xeel dheer arimaha Siyaasada, ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada la filayo inay Somaliland ka dhacdo Sannadka dambe, waxaanu soo jeediyey inay Doorashadaasi si wanaagsan ay u dhacdo, oo mugdiga laga saaro, waxaanu tilmaamay in haddii Doorashadaasi dhacdo in sumacadii ay hore Somaliland ugu lahayd Adduunyada in mid ka sii wanaagsan ku yeelanayso.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo khadka Telefoonka ugu waramaya Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay baaqi dhawaan ka soo yeedhay Mareykanka, midawga Yurub iyo Qaramada midoobay, ee ku saabsanaa inay Somaliland ka baxdo Degmada Saax-dheer, waxaanu Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, dadka reer Somaliland meel kasta oo ay degan yihiin ku booriyey inay isku tashadaan, oo ay cadaalada ku wada nooladaan, ayahoodana ka wada tashadaan.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale ka hadlay Cali Khaliiif Galaydh, oo uu sheegay inuu yahay nin reer Somaliland ah, xaqna uu u leeyahay inuu cabiro fikirkiisa, balse wixii uu tabanayo in laga qanciyo, dadka reer Bariguna yihiin dad reer Somaliland ah.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Tahriibka Dhalinyarada reer Somaliland iyo sida ugu wanaagsan ee shaqo abuur loogu samayn karo, waxaanu xusay in loo baahan yahay sidii Dhaqaale loogu abuuri lahaa Dhalinyarada dalka, waxaanu wareysiga aanu la yeelanay Pro: Axmed Ismaaciil Samatar u dhacay sidan

S-Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ugu horeyn waxa aad nooga waranta sida aad u aragto baaqii dhawaan ka soo yeedhay Mareykanka, midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay?

Wadamadani waa Wadamada Caalamka u taliya, oo Wadan walbana gacanta ayey kula jiraan, laakiin Dadka reer Somaliland meel kasta ha daganaadan, Galbeed, Bari ama Badhtamada ha daganaadan, ama dalka dibadiisa ha naga maqnaadane, dadka reer Somaliland ayey u taala, Masuuliyadaasi, si nabadgeliyo, Cadaalad iyo Karti ku jirto waa inay hawlahaas u dhamaystaan, oo Wadankooda wada dhistaan, taas yaa  iyaga hor taala

S-Prof Axmed Ismaaciil Samatar Cali Khaliif Galaydh oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliya, ayaa Gobolo ka tirsan Somaliland carqalad ka wada, isaga oo markaas isku sheegaya Madaxweynaha Khaatumo, side ayaad u aragtaa?

Qofku haddii uu qaangaadh yahay xaq ayuu u leeyahay inuu rayigiisa cabiro, taladiisa goosto, banaankana uu u soo bandhigo,wixii aan ahayn dagaal la isku qaadayo iyo dad la isku dirayo, xaq ayuu u leeyahay, Cali Khaliif Galaydhna waxa uu ka mid yahay dadkaas Somaliland u dhashay, hadalkiisu wuu u furan yahay, taladda uu goosanayaana wey u furan tahay, taasna waxa laga dido uma qabo,oo qof walba waa xor, laakiin dadka reer Somaliland ee walaalahayga ah ee dalka nala leh, ee ku nool Barriga Somaliland doodu wey noo furan tahay, tartana waa lagu wada jira, anigu dadka reer Somaliland ayaan ka mid ahay, markaas dadka Barriga degan cidi nagama xigto, waa dadkaygii, oo tartankaas la doonayo in lagu soo jiito ayaa banaanka yaala, hawsheedii na hor taala, oo markaas hawshaas aanu intayada kale ee Somaliland u gudunayno ee dadkaas loo soo jeedinayo ee qalbigooda iyo maskaxdooda loo soo jeediyo ayaa ina hor taala, ee qasab ma jiro, taas ayeynu shaqadeena galaynaa”.

Somaliland iyo Somaliya wada hadalo ayaa u dhexeeyey, dhawr jeerna wey wada hadleen, markaas wada hadaladaas sidee ayey kula muuqdaan?

Somaliland inay arimaheeda iyo doodaheeda inay aad isku duba ridato ayaa wacan, waxaana la gudboon Somaliland inay doodeeda diyaarsato, doodeenu waxa weeye in waxa ay kaga ordayso ee ay kaga baxday ururkii wada jirka Jamhuuriyada Somalida diyaarsato, oo si wanaagsan oo cilmiyaysan oo micnaysan loo dhigo, iyo in halka aynu ku socon banaanka la soo dhigo, laakiin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u dhexeeya ma qabo inay soo gaadheen meeshii loo baahnaa, iyo in Su’aalihii waaweynaa in banaanka la soo dhigay”.

Qodobo ku jiray heshiiskii ay Somaliland iyo Somaliya ku dhexmaray Wadanka Turkiga ayaa Madaxda Somaliya  jabiyeen, markkaas sidee ayaad u aragtaa?

Madaxda Somaliland iyo Somaliya, wixii ay isku yimaadeen ee ay ku heshiiyeen, ee Madaxda labada dhinacba saxeexeen  waa inay fuliyaan, waxaan aan lagu heshiina lama fulinayo, laakiin wixii lagu heshiiyey in la fuliyo waa lagama maarmaan, haddii kale maxa heshiiska loo galaya, oo loo shiraya, haddii aan la fulinayn wixii lagu heshiiyey”.

Sannadka dambe waxa la filayaa inay dalka ka dhacaan Doorasho, markaas sidee ayey kula muuqataa Doorashadaasi?

Doorashooyinku inay dhacaan wakhtigii loo qabtay waa lagama maarmaan, umadduna wey sugaysaa, adduunyaduna wey sugaysaa, dadka aynu la tartamaynaana wey ina eegayaan inaynu hawshaas ka soo bixi karno iyo in kale, markaas in Doorashooyinka wakhtigeedii la qabto, oo nidaamkeedii si wanaagsan loo sii dhigo, Xoolihii ku baxaayey meel la sii dhigo, dadkii maamulaayey maamulkoodii si wanaagsan loo dhigo, wax walba in si wanaagsan loo si diyaariyo waa lagama maarmaan, oo mugdi, musuqmaasuq iyo wax la mid ahi aanu ku jirin, haddii aynu taas si wanaagsan uga adkaano, waxa ay sii adkaynaysaa faanka Somaliland u qalanto, oo ah inay tahay meel ilbaxday,oo garatay sida Qaran loo dhiso, oo Siyaasada sida loo wadaago iyo Dimuqraadiyada sida loo samaysto gartay ayeynu noqonaynaa, waxa kale oo aynu noqonaynaa dad ilbaxay, waxayna wax ku sii daraysa keydka inoo yaala, magaca aynu Adduunka ku leenahayna aad bey sii hagaajinaysaa, dadkeena iyo dawladdeenaba waxa aan aad ugu adkaynayaa in Barnaamujka Doorashooyinka aad loo dajiyo, nidaamkoodana si wanaagsan ha loo dajiyo, wakhtigoodiina hala eegto, Tartan wanaagsana ha dhaco”. ”.     La soco sida uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar u arkayo tahriibka dhallinyarada Somaliland.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here