Paul Pogba: ciyaartoy walba wuxuu ku riyoodaa Real Madrid

0
1557

Paul Pogba ayaa kooxda Real Madrid ku tilmaamay in ay tahay koox uu ciyaartoy walba ku riyoodo, balse uu hadda ku qanacsan yahay joogitaanka kooxdiisa Manchester United.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka dheela oo 26 jir ah ayaa ammaanay Ole Gunnar Solskjaer oo ah tababaraha ku meelgaarka ah ee Manchester United. Wuxuuse sheegay in Real Madrid ay tahay koox uu canug walba ku hamiyo ciyaartiywalbana ku riyoodo.

Waa mid ka mid ah kooxaha ugu waawayn adduunka “waligayna waxaan dhahaa Real Madrid waa koox lagu hamiyo” ayuu yiri Pogba oo ka hadlaya shir jaraa’id oo ka dhacay dalka Faransiiska.

“Haddase waan ku faraxsanahay Manchester United macallin cusub ayaana na laylya” ayuu intaas ku dii daray Paul.

Pogba ayaa Jimcaha iyo Isniinta ka soo muuqan doona ciyaaro uu dalka Faransiisku la leeyahay Moldova iyo Iceland, ciyaarahaas oo loogu soo baxayo koobka Qarammada Yurub ee 2020ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here