Pakistan oo soo riday labo diyaaradood oo Hindiya leedahay

0
975

ISLAMABAD/NEW DELHI — Dowladda Pakistan ayaa shaaca ka qaadday inay soo ridday labo diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ee dalka Hindiya,iyadoo ku eedeysay inay soo galeen hawadda Kashmir ee dhinaca Pakistan.

Warka ka soo baxay dowladda Pakistan ayaa inta ku daray in ay xirtay mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha. Diyaaradaha ayaa mid ka mid ah waxay ku dhacday dhulka ay Pakistan maamusho halka midda kalana ay ku dhacday dhulka ay Hindiya maamusho,sida uu sheegay sarkaal u hadlay dowladda Pakistan oo lagu magacaabo Asif Ghafoor.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hindiya oo ku saabsan sheegashada Pakistan inkasta oo warbaahinta Hindiya ay ilo-wareedyo militari kasoo xigteen in wax duuliye ah uusan ka maqneyn Hindiya.

Hadalka kasoo baxa Pakistan ayaa imanaya ayada oo Hindiya ay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay ka hor-tageen saddex diyaarad oo Pakistan ay leedahay oo kusoo xadgudbay xuduudeeda Kashmir, dibna ay u celiyeen.

Dhacdadan ayaa timid saacado kadib markii Pakistan ay sheegtay in afar qof lagu dilay hoobiyeyaal ay ciidamadda Hindiya kusoo tureen xadka milatari ee labada dhinac.

Talaadadii ayay Hindiya qaadday weerarro dhanka cirka ah oo ka dhan ah malayshiyaad ku sugan Pakistan.Weerarradaas ayaa looga aargoosanayay weerar ay malayshiyo ku qaadday ciidammada Hindiya ee ku sugan qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmiir.

Xiisadda ayaa aad u sarraysay tan iyo 14 Feebaraayo markaas oo ciidammo sida milatariga u tababaran weerar is qarxin ah lagu bartilmaameedsaday, laguna dilay 40 askari.

LEAVE A REPLY