Mo Faarax Oo Gabiley Lagu Soo Dhaweeyay+Sawirro

0
455

Gabiley (HP): Waxaa maanta magaaladda Gabiley si balaadhan loogu soo dhaweeyay orod-yahanka caanka ah ee Maxamed Faarax, oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland oo shalay dalka soo gaadhay.


Orod yahan Maxamed Faarax, oo waayadan danbe si weyn dunida caan ugaga noqday dhinaca Orodka, ayaa haysta dhalashadda dalka UK, balse asalkiisu waa reer Somaliland gaar ahaana Gabiley.


Soo dhawaynta Moh Faarax, waxaa ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Gabiley, badhasaabk ku-xgeenka, maayarka Gabiley, xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley, siyaasiyiin, bahda ciyaaraha, haween, dhalinyaro, iyo xuno ka mid ah qoyska orod yahanka.
Orod yahanka oo magaciisa saxda ah uu yahay Maxamed Mukhtaar Jaamac Faarax , balse caan ku ah magaca (Sir Mo Farah) ayaa u orda dalka boqortooyadda Ingiriiska.
Masuuliyiintaasi iyo dadweynahaasi oo dhawaynayay Mo Farah, ayaa kaga hor yimid dhanka Bari magaaladda Gabiley, kuwaasoo ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka Gabiley ee Mo Faarax.
Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo soo dhawaynta Mo Faarax, ka hadlay ayaa u mahad cellinayay masuuliyiinta kala duwan iyo dadweynihii kala qayb qaatay soo dhawaynta orod-yahankaasi.

Badhasaabka ayaa u rejeeyay Mo Faarax, in maalmaha uu Gabiley joogo inuu dhiiri geliyo bahda cayaaraha iyo guud ahaan horumarka kala duwan ee ku socda dhinacyada kala duwan ee aasaasiga u ah nolosha.

DAAWO: Soo Dhawaynta Mo Faarax Ee Gabiley:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY