Oo Miyaanu Ilaahay Odhan “ Inamal-Mu’minuuna Ikhwa’ah”..? By: Mohamed Hassan Daacad

0
1110

maqal 4Waxa Hada uun fooda laga soo qaaday Salaadii Casar,Qofkastaana wuxuu soo Gutay Afartii Ragcadood ee Waajibka ahaa,Waxaana uu Ilaahay u bandhigtay Xaajooyinkiisa gaar ahaaneed ee Aduunyo iyo Aakhiraba.

Qof kastaaba Niyad ahaan wuu faraxsan yahay,waxaanu dareemayaa Xasilooni Jidh ahaaneed,Maskax ahaaneed Iyo Niyad-sami xoogan.taas-na waxa u sabab ah iyada oo Ilaahay waafajiyay mid ka mid ah Salaadaha ugu Fadliga Iyo Derajada badan Cibaadooyinka Eebe Adoomadiisa faray inay sameeyeen.Qofkastaana waxa uu ku han-weynyahay inuu Ilaahay ka aqbalo Salaadii,Ducadii Iyo dhamaan Cibaadadii ku lamaanayd Salaadda Casar. Ruux-kastaana waxa uu ku foofay Hawl-maalmeedkiisa Shaqo.

Waxaan u holoday inaan Cagta saaro mid ka mid ah Basaska dadweynaha ee iskala kala goosha Xaafadaha Magaalada Caasimada ah ee Hargaysa.Suuqa Wakhtigaas Socodkiisu ma badna,balse dadku waa ku teel-teel,waxaana  Wakhti dheeri ah kaa qaadanaysa inta aad sugayso inuu Basku buuxsamo si aad Wakhtigii ku tala gal-ka kuu ahaa u gaadho Goobtii aad u socotay.

Baska Waxa ilaa hada fuushan Dad badan oo wax sidaa u badani kama dhina,balse Baslayaashu waxa jira dhaqan u gaar ah oo ay iska leeyhiin,waxaanaay kuugu jawaabayaan hadii aad tidhaa: “Basku waa buuxaa”,kan waxa la yidhaahdaa “Ma Buuxsame”.bal adba..!!

Waxa kale oo jirta, Dadka Baska Fuushani Qolaba dhinac bay u Gor-faynayaan Dhacdooyin iyo Umuuro kala gedisan.qaar baa ka wada sheekaysanaya Xaalada haatan Dal-ahaan iyo Dad-ahaanba la joogo,qaar kale waxay iska wareysanayaan Barisamaadkii iyo Wakhtiyo Tagay,Saaxiibo kala baaday oo Wakhtiga iyo Waayuhu kala Irdheeyeen ayaa si kedis ah ugu Kulmaya Baska oo isala soo qaadaya Xasuuso hore iyo Wakhtiyo Wacnaa,qaarbaba Meeshu Majliskoodii tahay oo ku Xisaabtamaya,qaar Telafano ayaabay ku hadlayaan oo Arimo badan oo u  gaar  ahaa ayuu Fagaare loo dhanyahay kaga sheekaynayaa,qaar kalena waxaabay Deg deg sanayaan Wakhtiga ay Baska dhex kuududaan oo dadka ayaabay leeyihiin Basku wuu tagayaaye soo raaca,oo iyagaaba Baska ka Kirish-boy ah.

Iyada oo Xaal sidaa yahay,ayaa waxa Dadkii Rakaabka ahaa ee baska soo fuulay ka mid noqday Nin Oday ah oo Da’ahaan aan ku qiyaasay ilaa 60 jir.Ninkii Oday-ga ahaa waxa uu fadhiistay Meel Dadka Hortooda ah oo loo yaqaano (Khayriyada),waxaana halkaas ka bilaabay Kaftan Iyo Is-xifaalayn Xoogan oo dhex martay Odaygii Iyo Koox Dumar ahaa oo ay is-ag fadhiyeen.Goobta ayaa waxa ka dhacay Haasaawe xoogan oo Xiisahiisa lahaa,waxaana layskugu soo hal-qabsaday Barisamaadkii iyo dhaqankii suubanaa ee Umadda Somalida iyo sidii ay kala ahayeen Ragga iyo Dumarka,gaar ahaana Dhinacyada: Shaqada,Guurka,Haasaawaha, Waxtarka,Xeerarkii Guur ahaaneed iyo Wada-noolaad ee ka dhexeeyay Beelihii Ood-wadaagta ahaa iyo Kuwii Xidadka iyo Xigaalka ahaa,Is-bedelka Wakhtigan ku yimid Dhaqankaas Iyo Waxtar iyo Waxyeelo ka laga dheefay.

Waxaana Kaftan-wadaagii ka dhex aloosnaa Labada dhinac kusoo biiray qeybo badan oo ka mid ahaa dadkii rakaabka oo lakala saftay Dhinacyada Dirirtu dhextaalo,Waxaanay gaadhay inay si habsami ah iskugu dubo dhacdo oo Jiibta iyo jaanta laysla helo.iyada oo dhinac kastaaba ka kale waxii weerar iyo difaac ah-ba la galayay dhinac ay Ologga yihiin.

Iyada oo kaftankii iyo Is-xifaalayntii socoto ayaa Baskii waxa soo fuulay Laba Hablood oo Dhalinyaro ah,is-la markiiba waxa hadal ku tuuray Odaygii Khayriyada  fadhiyay ee Xiisaddan Baska ka dhex Aloosan-ba  is-taadhay.

Kuye; “wllo Baska hore usoo fuula”.

Mid ka mid ah Hablihii; intay Qos la dhacday “Ee-yaa Odayga,Awaw dheh”.

Odaygii baa weedhii Inanta ka qaracmay,waxaana uu isku dayay inuu dadka rakaabka ah tuso sawir  ah inuu yahay nin Dhalinyaro ah Xoog iyo Xoolana haya,hadalkaa ay Inantu ku tidhi-na uu yahay mid aan qaban!! Bal adba.

Xiisadii ayaa sii kululaatay,dadkiina waxay markaliya Weerar Xoogan kusoo qaadeen Odaygii oo u sheegeen inuu yahay Oday Coon ah,is-la markaana uu Joojiyo Beer-laxawsiga Hablaha,uuna Awowgood yahay.

Odaygii Talaa ku Ciirtay,waxaana uu arkay Dagaal Xoogan oo isaga ka dhan ah oo Jiho kasta laga soo qaaday.

Nin weyn talo kama dhamaatee,Ninkii Odayga ahaa ayaa waxa uu isku dayay inuu Hadalkii uu Hablaha ku yidhi uu daliil u raadiyo,isaga oo dhinaca kalena,Mawqifkiisa iyo Da’diisa difaacaya,ayaa waxa uu ku tiraabay “ Oo Miyaanu Ilaahay Odhan “ Inamal-Mu’minuuna Ikhwa’ah”..?”.

Waxa markaliya so  afjarmay Kaftankii iyo Haasaawihii ka dhex dilaacay baska,kaas oo ahaa Xiisad kooban oo Qosol iyo madadaalo Xambaarsanaa,waxaana dhamaan dadkii ay kawada garaabeen hadalkii Odaygu ku sheegay inuu Hablaha Walaal yidhaahdo.

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Works At: Radio Hilaac/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here