Odoyaasha Gabiley Maanta In ay Ka Hadlaan Bariis May Aheyne Waxay Aheyd In Ay Maalintii Dakhliga Baddani Jirey Danyarta U Hadlaan

0
955
GABILEY—Waxa ay umada illaahay oo dhami Ka Yaaban Tahey habdhaqanka Afar Oday oo Magaca Gabiley Ku hadala ama.ku shaqeysta, oo Maamulka Golaha Dergaanku ku Shaqeysto, Kuwaas oo Waagii Beryaba iyo Maalintii ay hadlaanba Dheg-Xumo iyo Ceeb usoo jiida Magaca Gabiley iyo Shacabkiisaba.
 llaahbaan ku Dhaartaye inagoo Bil Cibaaddo Ku Jirna oo Barwaaqqada Barwaaqadeedii joogna Bal Kawarama Ragaa Mashriq iyo Maqrib laga dhagaysanayay, ee Maanta ka Hadley Soor iyo Bariis Hay,ad laga soo Baryay, Dhagxumo Tii ugu Xumeyd ayay Gabiley ku tahay Maxaa Loo Dareemi Waayay, hadii ay Gabiley Dad Danyar ahi jirraan Markii Maalin Walba Golaha Deegaanka Gabiley ay Boqolaal Milyan uga soo Xeroonayeen Maalin Walba Kastamka Cashuuraha Qaadka ee Kalabaydh.
Ma dhici karto mana dhacayso in odoyaashaasi u hadlaan Qoys Danyar ah marka la laba ligdeynayo Dhaqaalaha Gabiley ee Maalin Walba Boqolaalka Kun ee Dollar la Xeraysanayo, ee Fooqyada dhaadheer laga dhisanayo, Hargeysa, iyo Gabileyba ma dhacdo mana dhacayso, Waligeed in Dadka Reer Gabiley laga Sooro Dakhligaa kasoo baxaya Gobolkooda, Laakiin tan Maanta ee Maamulka odoyaashaasi kaga hadashiiyay, Waa Ilmadii Yaxaaska, Waana Khiyaamo Weyn oo illaahay kala Xisaabtami Doono, haddaanay jirin Dawllada kala Xisaabtanta oo ku daba gasha hantida Umadda.
Waxaa Ceeb ah in Maalin Walba hadal-Xumada odoyaasha Gabiley, ay Si Gunimo ah Carabka ugu Dhuftaan Badhasaabka iyo Taliyaha Qeybta ee la jooga, oo Sharaf ka Mudnaa Waayo Gudoomiye indhabalac inta uu Joogay Gobolka Wax badan ayaa ka qabsoomay, Siday u Xajiimaynayaan iyo Xurmada uu ka mudan yahay ayaa kaaf iyo kala dheeri ah, haddii Maalinta Cadceedu kululaato ee lacagtii Kastamka la Waayo aan loo aabo Yeelayn Umadii sharafta lahayd Bari Saw Waji La,aan ma.aha.
Gabagabadii Waxaa Layaab leh Xukuumadan aanu Shaley ku Suuxsanayn ee Lalahaa Madaxweynuhu Waa Reer Gabiley, oo Maalintuu Yimaadana hadalka Wanaajiya la Leeyahay, Maalinta Dakhliga La Waayona Sidan Loo hadlayo bal Kawarama, Mida kale Xukuumadani ma Kumeel-gaadhbaa Waa Maxay Golahan Deegaanka ee Wakhtigiisu dhamaaday, ee Maalin Walba odoyaal Wax-magarato ah ka hadashiinayaa, Waxaan Leeyahay ma aragno Xukuumad Wada Socota, Golaha Deegaanka Gabileyna Waxaa Ceeb ku ah in ay Maanta Gadbad Bariis ah ka hadlaan, Wey is ogyihiine Shalayba Wey ka qatanaayeen Dakhligii.
Hadaad hadlaysaan Badheedhihii rag lahaa iyo Tabashadii aad u qabteen Sidii rag uga hadla.
Axmed Maxamed Bookh Ceelaabe
Somaliland Gabiley
Tell:0634466019

LEAVE A REPLY