Odinga oo Dowladda Kenya ku Eedeeyay in ay Wax ka qaban wayday Amniga

0
1236

0006999_raila_odinga (1)Nairobi, (HargeisaPress) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, ahna hoggaaminayaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD, Raila Odinga ayaa ku eedeeyay xukuumadda Kenya inaysan ciidamadeedu ka hortegi karin weerarrada kaga imaanaya kooxaha Islaamiyiinta ah, isagoo ka digay kacdoonno ay qowmiyadaha dalka Kenya sameeyaan.

Odinga wuxuu sheegay in dalka Kenya uu yahay dal uu hayo walaac weyn, sababtoo ah haddii Kenya ay ciidamadeeda kala soo baxdo Somalia waxaa laga yaabaa inay ka joogsadaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaabta Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu dowladda Uhuru Kenyatta ku eedeeyay inay isticmaalayso waxyaabo xaaladdad ammaan ee Kenya sii xumaynaya. Isagoo ugu baaqay inaysan faa’iido u lahayn inay isku dayaan inay siyaasiyiinta kale eedeyn u jeediyaan.

“Walaac weyn ayaa dalka ka jira. Shacabku waxay aad uga walwalsan yihiin xaaladda ammaan ee dalka,” ayuu yiri Odinga oo 69-jir ah una warramayay Wakaaladda wararka ee AFP.

“Qaybo badan oo dalka ka tirsan waxaa ka dhacaya dilal, kuwaasoo gaaray xad aan la qiyaasi karin. Shacabku waxay filayeen horumar, balse waxaanu arkaynaa oo keliya nolosha oo sii xumaanaysa,” ayuu Odinga hadalkiisa ku daray.

Tan sannadkii hore markii uu dhacay weerarkii suuqa Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen 67-qof, Kenya waxay magan u noqotay weerarro is-daba-joog ah iyo toogashooyin ka dhaca Mombasa iyo Nairobi.

Deegaanka xeebta ku yaalla ee Lamu waxaa ka dhacay tan iyo bishii hore weerarro ay ku dhinteen 93-qof, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay Al-shabaab, iyagoo ku goodiyay inay sii wadi doonto weerarrada.

Balse madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa diiday in weerarradaas ay mas’uul ka ahayd Al-shabaab, isagoo ku eedeeyay shabakado siyaasadeed oo Kenya ka jira. Waxaana dadka intooda badan ay u qaateen in Kenyatta uu siyaasiyiintaas ula jeeday isbahaysiga CORD iyo Odinga.

Sidoo kale, Odinga oo ka hadlayay eedeynta madaxweynaha ayaa sheegay in hadallada noocaas oo kale ay sii xumeynayaan xaaladda, isagoo intaas ku daray inay ula muuqatay isaga inuu ku qarinayo dilalkii loo geystay dadkii ku noolaa deegaannadaas.

“Markii dhacdadan ay dhacday, isla markiiba hay’adaha sirdoonka qaarkood sida sirdoonka Birtain, Faransiiska iyo Mareyknakaba waxay sheegeen inuu falkaas ahaa mid ay geysatay Al-shabaab. Sidoo kale Al-shabaab ayaa si cad u sheegtay inay iyagu mas’uul ka yihiin weerarradaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Odinga wuxuu sheegay in eedeymaha dowladda ay jeedinayso ay soo cusbooneysiin karaan colaadihii isirka ku saleysnaa, sida kuwii dalka ka dhacay sannadihii 2007 – 2008, kaddib murankii doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday, kacdoonkaas oo uu ku sheegay inuu ahaa midkii ugu xumaa ee Kenya ka dhaca tan iyo markii ay xornimada qaadatay, iyadoo ay dacwado arrintaas la xiriira loo haysto madaxweynaha Kenya Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Ugu dambeyn, Odinga wuxuu sheegay in loo baahan yahay in marka hore la is-weydiiyo maxay ciidamada Kenya u joogaan Soomaaliya. Aragtideyda waa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here