Nuxurka Qodobo Uu Madaxweyne Biixi Ka Dalbaday Boqortooyada Sucuudigu Inay U Fuliso Si Uu Uga Mid Noqdo Martida Boqorka Ee Xajka

0
1153

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa boqortooyada Sucuudiga ka dalbaday inay fuliso dhawr qodob oo muhiim ah, ka dib markii uu boqorka Sucuudigu Madaxweyne Biixi ku soo daray  martida gaarka ah ee uu boqorky sannad kasta ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka.

Warar uu xogogaal ah oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu boqortooyada Sucuudiga u diray warqad isugu jirta mahadcelin iyo codsi, kuwaas oo uu sheegay in haddii qodobadaas uu codsanayo loo soo fuliyo uu ka mid noqon doono martida boqorka ee soo gudan doonta xajka.

Sida ay sheegeen warar uu Geeska Afrika helay, Madaxweyne Biixi wuxuu dawladda Sucuudiga uga mahadceliyay martiqaadka ay u soo direen isagoo xusay xidhiidhka soo jireenka ah ee ay dadka reer Somaliland la leeyihiin Sucuudiga. Madaxweyne Biixi ayaa sida uu warku sheegay wuxuu boqortooyada Sucuudiga ku xasuusiyay qoraalkiisa in Somaliland tahay dal gaar ah oo madaxbanaan oo doorta madaxdiisa isagana ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland.

Qodobada uu Madaxweyne Biixi Sucuudiga ka dalbaday waxa ka mid ah in dal-ku-galka Sucuudiga loo soo saaro Baasaaboorka diblomaasiga Somaliland, in la siiyo hab maamuus madaxweyne, in loo abaabulo kulan uu la yeesho boqorka Sucuudiga iyo dhawr qodob oo kale. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu warqadiisa si diblomaasiyadeed dawladda Sucuudiga ugu iftiimiyay inaanu Xajka ku tagi doonin martiqaadka uu boqorku u soo diray haddii aan loo fulin qodobadaas.

Dawladda Sucuudiga oo ay warqada Madaxweyne Biixi gaadhay ayaa la sheegay inaanay wax jawaab ah oo ogolaansho ama diidmo ah ka soo bixin dalabkaas.

LEAVE A REPLY