Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay Wada Hadalkii Dalka Djibouti Ugu Soo Dhamaaday Somaliland iyo Kooxda Khaatumo

0
1192
gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah horjoogaha kooxda Khaatumo PHOTO FILE

Djibouti,(HargeisaPress) —Wada hadalkii mudada dhawrka cisho ah dawlada Somaliland iyo Kooxda  uga socday  magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ee xalay soo dhamaaday ayaa waxa kasoo baxay qodobo dhawr ah.

Kulankan ay labada dhinac ku wada hadlayeen ayaa waxa goob joogayaal ka ahaa Lix Xubnood oo ka kala socda dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo isla markaana ay kala hogaaminayeen gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah horjoogaha kooxda Khaatumo.

Waxaana shirkan kasoo baxay qodobo dhawr ah,waxaana nuqul kamid ah soo gaadhay Shabakada HargeisaPress  kaas oo qayb ka ah qodobada ay isla qaateen guddiga Farsamada.

Qodobadan ay isla qateen guddiga Farsamadu ayaa waxay ka kooban yihiin Shan qodob waxaana ay kala yihiin sida tan

  • Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiska 11 qodob ka koobaan ee Addis-ababa 21-12,2016 waxii hirgalay iyo waxii aan hir galin.
  • In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.
  • Waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxxaliga ahba inay si deg deg ah uga hawl galaan deegaanadaasi,abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.
  • In shirka guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.
  • Waxaanu si wada jir ah u canbaareynaynaa falka nabad galiyo xumida iyo khal-khal galinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017,waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka waantowdo falkaas Foosha xun iyo farogalintaba

Waxaana qodobadan ku saxeexnaa gudoomiyayaasha guddiga farsamada wada hadalada Somaliland iyo khaatumo mudane Maxamed Xaaji Aadan iyo Kayse Cabdi Yuusuf.

Shantan qodob ee kasoo baxay gunaanadka wada hadalkii dalka Jabuuti uga socday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxay qayb ka yihiin qodobo kale oo kasoo baxay shirkaasi balse aan  wali la shaacin.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY