“Norway waxay Somaliland ka fulinaysaa Mashaariic Horumarineed”… danjire Liila

0
538

Oslo (HP): Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Norway ayaa sheegay in xafiiskoodu uu gaadhay guullo diblomaaaiyadeed.


Maxamed Aadan Liila, waxa uu tilmaamay in mudooyinkii u danbeeyay ay ku tallaabsadeen sidii ay ula xidhiidhi lahaayeen xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Norway.
Kuwaasoo ay ka dhaadhiciyeen sidii ay qadiyadda aqoonsi raadista Somaliland uga qayb qaadan lahaayeen.


Danjire, Maxamed Aadan Liila, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan ay magaaladda Oslo ee caasimadda dalka Norway ku yeesheen jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi ku nool.
Wuxuu sheegay in Somaliland laga fulin doono mashaariic horumarineed oo ay maalgelinayso dawladda Norway.


Geesta kale danjire, Maxamed Aadan Liila, waxa uu sheegay inuu kulan la qaatay diblomaasiyiin sar sare oo ka tirsan dawladda Norway.
Kuwaasoo uu ka mid ahaa xafiiska loo yaqaano Oslo center, oo uu madax ka yahay raysal wasaarihii hore ee dalka Norway.

DAAWO: Danjire Maxamed Liila Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY