Ninkii nasiibka badnaa ee ka badbaaday shilkii diyaaradda Itoobiya

0
782

Nin u dhashay dalka Giriiga ayay ka tagtay diyaaraddii burburtay ee Ethiopian Airlines kadib markii uu soo daahay 2 daqiiqo oo kaliya, islamarkaasna ay shaqaalaha garoonka gacan ka siin waayeen in uu galo diyaaradda.

Antonis Mavropoulos ayaa sheegay in ay u ahayd maalin nasiibkiisu badanyahay, haddii uu raaci lahaane ka mid ahaan lahaa 157-dii qof ee ku geeriyootay diyaaradda.

Waxa uu ninkan madax ka yahay hay’ad lagu magacaabo International Solid Waste Association, waxana uu sheegay in markii koowaad uu ku xanaaqay shaqaalaha garoonka oo ka diiday in ay albaabka ka furaan xilli diyaaradda ay wali garoonka fadhiday.

Ninkan ayaa raacay duulimaadkii xigay ee Nairobi u kicitimay, balse waxa uu ogaaday in ay burburtay diyaaraddii uu ka haray.

Waxaa la geeyay saldhigga booliiska si su’aalo loo weeydiiyo kadib markii la sheegay in uu ahaa qofka kaliya ee ka badbaaday diyaaradda, islamarkaasna uu ka haray duulimaadka bal si loo ogaado sababaha kalifay in uu ka haro.

Ninkan ayaa kusii jeeday magaalada Nairobi si uu uga qeybgalo shirweyne xagga deegaanka ah oo qabsoomayay.

Dad badan oo isla shirkaas u socday ayaa saarnaa duulimaadkaas, kuna baxay halkaas.

Ahmed Khalid iyo aabihiis oo Nairobi kusoo dhoweeyay
Ahmed Khalid

Nin kale oo degen Dubai oo duulimaad ka xiriirsan lahaa magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in uu ka baaqday diyaaraddii burburtay maadaamaa uu kusoo daahay duulimaadkii Dubai kasoo qaaday.

Waxa uu markii dambe heley duulimaad kale oo Nairobi u socday.

Naxdinta ugu badan waxaa dareemay aabihiis oo maqlay in ay burburtay diyaaraddii uu wiilkiisa Addis Ababa kasoo qaadi lahayd, balse durba waxaa xiriir lasoo sameeyay wiilkiisa.

BBC

LEAVE A REPLY