Nin Soomaali Ah oo Muddo 5 Maalmood Ah Lagu La’yahay Canada

0
1027

Edmoton (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Edmoton ee waddanka Canada, ayaa waxaa muddo 5 maalmood ah lagu la’yahay Nin Soomaaliya ah oo lagu magacaabo Cali Xuseen Jibriil.

Qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee magaalada Edmoton ee waddanka Canada, ayaa dhigay dibadbax ay Booliska kaga dalbanayaan in ay baadigoobaan ninkan.

Cali Xuseen oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaalida ee magaaladaasi, ayaanan la arag tan iyo kowdii bishan, iyadoo ehelkiisana ay sheegeen in illaa iyo haatan la helay gaadhigii iyo taleefankii uu watay oo kaliya.

Haddaba, ehelka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida ee magaalada Edmonton ee waddanka Canada, ayaa ka warramay walaaca ay ka qabaan maqnaanshaha Cali Xuseen Jibriil.

Hoos ka dhagayso faah-faahinta warka

https://www.facebook.com/367167334474/posts/pfbid02JuDEovTUsoYjcxSph13fVW196maUewg95r3NvhDdXPvjjc6jsaZDeQNsJ7o4AHvFl/

LEAVE A REPLY