Nin Mindi Ku Hubeysan oo Askar Ku Laayay Magaalada Paris

0
655

Paris (Hargeisa Press)- Nin mindi ku hubaysan ayaa waxaa xarunta booliiska magaalada Paris, ee dalka faransiiska ku dilay 4 askari.

Qofka weerarka fuliyay oo la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha ku sugnaa dhismaha ayaa waxaa markii dambe toogtay booliiska.

Goobta uu falkan ka dhacay oo ku taalla île de la Cité – ee bartamaha Paris  ayaa imika la xidhay.

Xarunta dhexe ee booliiska aya ku taalla bartamaha Paris

Dhacdadan ayaa imanaysa maalin uun ka dib markii ay booliiska Faransiiska ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedeen tirada sii kordhaysa ee askarta iyagu qudha iska jaraya.

Rai’sal wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe iyo wasiirka arrimaha gudaha Christophe Castaner ayaa gaadhay goobta ay dhacdadani ka dhacday.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka waxa uu ku xaqiijiyay “in dhowr qof ” la dilay.

Waxay sidoo kale wararka sheegayaan in hal qof oo kale uu ku dhaawacmay weerarkaasi.

Sida ay sheegeen booliiska qofka weerarka geystay ayaa ka shaqaynayay qaybta maamulka ee xaruntaasi booliiska.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here