Nin Meyd Ah oo Laga Helay Magaalada Boorama

0
664

Boorama (Hargeisa Press) – Nin Meyd ah oo gubtay ayaa laga helay badhtamaha Seeraha Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Ninkan ayaan weli la aqoonsan wejigiisa, Magaciisa iyo Sababta Geeridiisa.

Ciidammada Dambi-baadhista ee Booliska oo gaadhay goobta Meydka laga helay ayaa Meydka geeyay Qolka Meydka la dhigo ee Cisbitaalka Magaalada Boorama.

Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Awdal oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo, laakiin wuxuu sheegay in Meydka ninkan ay soo sheegeen Haween Caano u iib keenay Magaalada Boorama, dushiisana ay ka muuqato Dab, laakiin aan illaa hadda la garanayn inuu is gubay iyo in la gubay.

Hargeisa Press Desk/Boorama Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here