Nin lagu tuhunsan yahay weerarkii New Zealand oo maxkamad lasoo taagay

0
1037

CHRISTCHURCH — Ninka sida wayn loogu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand ee 49-ka qof lagu dilay ayaa maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil.

Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia ayaa kasoo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan.

Waxaana la filayaa in lagusoo oogo dacwado dheeri ah.

Raysul Wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa sheegtay in Mr Tarrant uu haystay afar buntukh iyo rukhsad dhanka hubka ah, waxayna intaas raacisay in “sharciyada hubka wax laga baddali doono”

Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay. Mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay.

Mr Tarrant ayaa xiran wax dambi ahna ma aanu qiran, waxaana lagu wadaa in 5-ta April markale maxkamadda la horkeeno.

Qofkii ugu horreeyey ee waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii dhacay Jamcihii ayaa qoyskiisu sheegeen in lagu magacaabi jiray Daoud Nabi, oo ahaa 71 jir u soo guuray New Zealand kana yimid Afghanistan sanadkii 1980-kii.

Omar Nabi oo gacanta ku haya telefan uu ka dhex muuqdo aabbihiis Daoud, bannaanka maxkamadda.

Wali lama sheegin wax la xiriira aqoonsiyada dadkii kale ee waxyeelladu soo gaartay.

Dad gaaraya 48 qof ayaa lagu dhaawacay toogashada.

Dadka la dhaawacay waxaa ku jira labo wiil oo yar yar oo 13 jirro ah, kow iyo toban kamid ah dad la dhaawacay ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Christchurch, xaaladooduna aad ayay u liidataa sida uu sheegay madaxa qalliinka ee cisbitaalkaas, Greg Robertson.

Dalalka Bangladesh, India iyo Indonesia ayaa dhammaantood sheegay in qaar kamid ah muwaadiniintooda lagu dilay toogashada.

Maayarka magaalada Christchurch, Lianne Dalziel ayaa muujisay sida ay uga xuntahay “falkaas argagixiso” waxayna cod dheer ku sheegtay in la garab istaago dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Mar ay warfidiyeenada la hadlaysay ayay tiri “Dad cusub ayaan magaaladeenna kusoo dhawaynay, waana saaxiibbadeen, waana jaarkeena”. “Waa inaan iska kaashannaa sidii aan u garab istaagi lahayn.”

Waxa ay intaas ku dartay in calanka ka babanaya dhismeyaasha dawladda ee magaaladaas hoos loo dhigi doono “ilaa amar dambe”.

Ammaanka guud ee magaalada Christchurch ayaa la adkeeyey. Waxaana la xiray dhammaan masaajidda kuyaal New Zealand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here