Nimankii Caasha Kufsaday oo Maxkamadda Racfaanka Puntland Dil Toogasho ah ku Xukuntay

0
653

Garoowe (HargeisaPress)- Maxkamadda Racfaanka gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex Nin oo ku eedeysnaa inay kufsadeen, isla markaana dileen Gabadh 12 jir ah, taasoo markii lagu kufsaday lagu khaarajiyey magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda darajada koowaad ayaa horey xukun dil ah ku ridday raggan oo kala ah ; Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso Puntland.

Qareenka u doodaya eedaysaneyaasha ayaa rafcaan u qaaday maxkamadda sare oo ayado go’aanka kama dambaysta ah ka gaari doonta kiiskan.Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sannadkan ayaa meydkeeda gabadha laga helay magaalada Gaalkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi,waxaana kiiska uu caro weyn ka dhaliyey guud ahaan deegaannada Puntland iyo deegaanka uu ka dhacay ee magaalada Gaalkacyo.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY