Nigeria: Garsoore Loo Doortay inuu Ciyaar Dhex-dhexaadiyo isagoo 3 Bilood sii Mootan!!!

0
1222

HargeisaPress — Faddeexad ayaa gilgishay horyaalka Nigeria, kadib markii xidhiidhka dalkaas ciyaar horyaalka ka tirsan u doortay inuu dhex-dhexaadiyo garsoore muddo hore dhintay, taasoo anfariir ku riday bahda ciyaaraha.

 

Guddoomiyaha FA-ga Nigeria (NFF) ee Amaju Pinnick, ayaa garsoore Wale Akinsaya u doorta inuu dhex-dhexaadiyo kulanka horyaalka Nigeria ka tirsan, balse ku darsoo ninkan saddex bilood ayuu sii mootan yahay.

 

Wale Akinsaya oo saddex bilood ka hor-dhintay hadana loo magacaabay inuu ciyaar dhex-dhexaadiyo waxay ka daadegi wayday kooxaha Nigeria oo xidhiidhka ku eedeeyay in aanay war u haynin shaqaalahooda.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY