Nidaamka Caafimaadka Somaliland iyo Bulshada Danyarta ah. W/ Q: Cabdiwahaab Tooxyare.

0
1100
Cabdiwahaab Cismaan Jaamac ( Tooxyare)

Guud ahaan Somaliland ayaa waxaa ka jirta nabad balse dhanka kale waxaa iyaguna jira dhibaatooyin badan oo ay qabaan bulshada Somaliland taasoo ay ka mid yihiin baahiyaha Caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha aasaasiga ah oo badi dhamaantood aad u liita.

Hadaba hadaynu si gaara isu dul taagno baahiyaha caafimaadka iyo dhibaatooyinka ay ku qabaan bulshada Somaliland, ayaa ah mid soo jiitamaysay intii ay Somaliland jirtay iyadoo aan weli laga samayn horumar la taaban karo.

Bulshada Danyarta ah

Bulshada Somaliland ayaa ah 80% dad u badan danyar kuwaasi oo aan awood badan u lahayn inay iska bixiyaan adeegyada caafimaad ee ka jira waddanka, kaasi oo gabi ahaanba qiime aad u sareeya ku jooga bulshada danyarta ah oo aan awoodin inay iska bixiyaan qiimaha lacageed ee Goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay ay dadka ku qasbaan.

Muwaadiniinta Somaliland waxaa ay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaad wanaagsan, Biyo Nadiifa, Waddooyin iyo dhamaan baahiyaha aasaasiga ah, hadaanay taasi jirina waa muhiima inay helaan adeeg caafimaad oo jaban.

 

Goobaha Caafimaad Ee Gaar ka loo leeyahay

Somaliland waxaa aad u xoogaystay muddooyinkii u dambeeyay cisbitaalada gaar ka loo leeyahay kuwaasoo gabi ahaanba noqday dhiig miirato aan ka naxay ummadda masaakiinta ah ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka adeega caafimaad. Tusaale kooban Cisbitaalka Haldoor ee Magaalada Hargeysa oo ka mida Cisbitaalada gaar ka loo leeyahay oo badanaa u shaqeeya dadka ay haleelaan xauunada maskaxda ku dhacaa, waxaa uu qofkiiba ka qaadaa 50$ kaadhka marka qofku arkayo Dhakhtarka gaar ahaan marka uu deg deg u rabo, sidoo kale waxaa uu Iyana 30 $ ka qaadaa marka Qofku si caadi u Goosanayo tigidhka, taasoo muddo badan ku qaadata in adeegii loo qabto.

Hadaba marka taasi jirto dhaqaalihii waddankana aynu ka dheragnasahay waxaa masiibo ah in ummadda xaddiga intaa leeg loo dhiig miirto, iyadoo cisbitaalada gaar ka loo leeyahay na badankooda tusaalaha aynu kor ku soo xusnay ay kala simanyihiin.

Doorka Wasaarada Caafimaadka

Run ahaantii waxaa meesha ka baxay doorkii ay ku lahayd wasaarada Caafimadka Jamhuuriyada Somaliland xakamaynta Cisbitaalada gaarka loo leeyahay iyo tayaynta Cisbitaalada Dawliga ah oo runtii adeega tayada caafimaad ee ay bixiyaan yahay mid aad u liita.

Hadaba Wasarada Caafimaadku waxay ku leedahay door muhiima inay ummadda ka qabato Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee noqday dhiig miiratada aan dadka danyarta ah ka naxayn, maadaama wasaaradu u dhaxayso Bulshada Somaliland iyo cisbitaalada Gaarka loo leeyahay, waxaana muhiima in lagu dhaqo xeerka u yaalla caafimaaka Somaliland.

Cabdiwahaab Cismaan Jaamac ( Tooxyare)

Abdiwahaab888@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY