Natiijo Ka Soo Baxday Baadhitaan Labaad oo La Mariyay Maydka Marxuum Cali Khaliif

0
1807

Muqdisho (Hargeisa Press) –Baadhitaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii Alle ha u naxariistee Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabo cudurka Covdi19, taasoo meesha ka saartay shaki hore loo qabay.

Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax-dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ee beelaha Beesha Dhulbahante, ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baadhitaanka, kadib markii ay hore u dalbadeen in baadhitaan labaad la marsiiyo.

Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuumku uu u geeriyooday sababo kale.

Cali Khaliif ayaa sideedii bishan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay.

Marxuumka ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, halkaas oo eheladiisu codsadeen in lagu aaso.

LEAVE A REPLY