Natiijada Afti Laga Qaaday Qowmiyada Sidama Ee Dalka Itoobiya oo Lagu Dhawaaqay

0
667

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Waxaa lagu dhawaaqay natiijada afti laga qaaday Arbacadii dadka laga tirada badanyahay ee Sidama ee dega qeyb ka mid ah koonfurta dalka Ethiopia. Aftidan ayay qowmiyadda Sidamadu ku doonayeen inay ku yeeshaan dowlad-goboleed la mid ah kuwa qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay leeyihiin.

98.51% dadkii codeeyay oo lagu qiyaasay 2.3 malyuun oo qof ayaa “haa” ku taageeray dhismaha maamul goboleed ay dadkoodu yeeshaan.

Dadka ku nool Sidama ayaa muddo dheer halgan ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen maamul u gaar ah.

Aftidan laga qaaday Sidama iyo natiijada ka soo baxdayba waxa ay tijaabo u aheyd awoodda dowladda Ra’isal Wasaare Abiy Axmed ay u leedahay xakameynta dareenka wadaniyadda qowmiyadaha ku saleysan ee Ethiopia ku xoogeystay, taasoo halis dhinaca kala qeybsanaanta ah ku heysa dalka.

Hadaba waxaa la is waydiinayaa waxa ay natiijadan uga dhigantahay Ethiopia iyo Xaga uu ku dambeeyay halgankii qowmiyadaha qaar ay ugu jireen in ay gooni isaga taagaan Ethiopia.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY