Nairobi: Aadan Barre Ducaale Oo Casuumay Xubno Ka Socday UCID iyo Kulmiye

0
783

Nairobi (Hargeisa Press.com): Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya  Aadan Barre Ducaale,  ayaa maanta magaaladda Nairobi ku casuumay wefti ka socda xisbiyadda UCID iyo Kulmiye oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya.

Wefti ka socday xisbiyadda Somaliland oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenaya  ayaa Aadan Barre Ducaale, waxa uu marti-qaadka  ugu sameeyay xarunta baarlamaanka Kenya ee magaaladda Nairobi.

Waxaana la sheegay in labadda dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labadda dal ee Somaliland iyo Kenya, iyo sidii isku xidh loogu samayn lahaa baarlamaanadda labadda wadan.

Weftigan ka socday labadda  xisbi ee Somaliland ee UCID iyo Kulmiye ayaa shalay gaadhay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay wakiilka Somaliland ee kenya Baashe Cawil Cumar.

U jeedadda masuuliyiintan ka socday xisbiyadda Kulmiye iy UCID ayaa la xidhiidha sidii arrimaha doorashooyinka Somaliland ugala soo hadli lahaayeen safiirrada dawladaha reer Yurub iyo beesha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale xubnahan ka socday UCID iyo Kulmiye, waxay kulan la yeesheen  hogaamiyaha mucaaradka baarlamaanka Kenya.

Waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

Kulamadan waxaa masuuliyiinta xisbiyadda ku wehelinayay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Camar.

Geesta kale weftiga ka socda xisbiga UCID waxaa hogaaminaya guddoomiyaha xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo musharaxa madaxweyne ku-xigeenka UCID Prof. Ebyan.

Halka dhinaca xisbiga Kulmiye-na ay  metelayaan  guddoomiye ku-xigeenka xisbigaasi ahna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, iyo  guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Kulmiye  Axmed Cabdi Dheere.

Siyaasi C/casiis Maxamed Samaale, oo ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isna ku sugan magaaladda Nairobi, kaasoo todobaadkii hore halkaas gaadhay.

Hase yeeshee, si rasmiya looma oga in socdaalka C/raxmaan Cirro iyo masuuliyiinta ka socda UCID iyo Kulmiye ay isku u jeedo yihiin.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY