Naftiisa Ayuu Halis U Geliyey Si Uu U Badbaadiyo Nafo Kale. WQ: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

0
1005

Waxa uu mar qudha qaatay go’aan halis badan oo aan ka noqosho lahayn. Waxa uu damiirkiisu siin waayey inay hortiisa ku dhintaan nafo isaga la mid ahi. Go’aanka uu qaatay waxa uu u dhexeeyey geeri iyo nolol, guul iyo guul-darro, oo guusha uu gaadhi doonaa waa badbaadinta nafo qarka u saaran inay qudh-baxaan.

Cabdiqabi Xuseen waa wiil markii aan qiyaasay aanay da’diisu ka weynayn labaatan jir. Waxa uu ku nool yahay degmada Maxamuud Haybe ee magaalaada Hargeysa.  Waa wiilka ku dhaqaaqay tallaabada nafhurnimada ah ee uu ku badbaadinayey labada nafood ee kale. Waxana uu hawlgalkan badbaadinta ah sameeyey dhawaan markii roobka baaxadda weyni ka da’ay magaalada Hargeysa, ee daadku qaaday qoyskii deggennaa balliga Qudhacdheer ee is la degmada Maxamuud Haybe ee magaalaada Hargeysa. Qoyska oo ku jiray guri sandaqad, ayaa markii uu daadku jiidhay ee biyuhu meel kasta uga soo galeen, waxa ku sugnaa lix carruur ah iyo hooyadood, waxana uu daadku dhuftay oo uu qaaday saddex carruura oo laba ka mid ahi dhinteen la na badbaadin kari waayey.

Cabdiqani Xuseen oo isagu ah wiilka naftiisa ku biimeeyey biyahii xawliga badbaa ee rogmanayey, ayaa Ilaahay ku guuleeyey inuu badbaadiyo ilmaha nool iyo wiil kale oo is na daadku qaaday xilli uu is lahaa ilmaha badbaadi, oo markaa geed haystay.

Waxa uu si dareen leh uga sheekaynayaa sidii uu go’aanka geesinimada ah u qaatay, waana kan isaga oo goobtii uu wax ku badbaadiyey ugu warramayey telefishanka HCTV: “Halkan ayaan taagnaa (halka uu shilku ka dhacay) oo markii hore sayladda ayaan ka soo cararay. Mid yar oo aanu saaxiibbo nahay ayaan u dhiibtay macawis aan xidhnaa. Markaas ayaan ku idhi ‘meeshan waan gelayaa, sababta oo ah naf ayaa ku caddiban.’ Markaas ayuu igu yidhi ‘meeshan ha isku biimayn haddii aad ku dhimato cid kaa daba imanaysaa ma jirto’e. Sababta oo ah waxa hadda ba looga gudbi waayey’e, ee ha gelin ee ka joog.’ Markaas ayaan ku idhi ‘adigu ka bax.’ Dabadeed waan galay oo biyihii ayaan dhinac dhinac u raacay. Ka dib na waan dabbaashay oo waxa aan gaadhay meeshii labada yar yari ku cadibnaayeen oo biyo xawli ahi marayaan.” Ayuu yidhi Cabdiqani.

Waxa hadalkiisa ka muuqata inuu yahay wiil hore u bartay dabbaasha, hasayeeshee biyaha rogmanayey ee uu u badheedhay ee xawliga ku soconayey ay mar kasta naftiisa halis gelin karayeen. Waxa se uu naftiisa ka hor mariyey inuu nafaha kale badbaadiyo, isaga oo wax na is bidiyey. Aan mar kale ku noqonno hadalkii Cabdiqani, isaga oo sharaxaada sii wata ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan sii dabbaasha ba oo kol ba aan gebi ka sii gudba ba, halkii ayaan ugu tegay labadii yar yaraa. Kii yaraa ayaan markii ba soo qaaday, kii weynaa na waxa aan ku idhi ‘qabso oodda.’ Kii yaraa markii aan soo qaaday ayaan u keenay hooyadii. Kii kale na gacanta ayaan soo qabtay oo waan soo kaxeeyey. Anigu maan ogayn in labo kale ay maqan yihiin, ee markii aan inankii yaraa u keenay ayay hooyadii igu tidhi ‘labo kale ayaa maqan.’ Mar kale ayaan haddana isku qaaday oo aan labadii kale raadiyey. Biyihii ayaan galay oo waan baadhay oo wax ba waan waayey. Markii aan waayey, ayaanu meeshii ka saaray afartii carruurta ahaa iyo hooyadood.”

Cabdiqani Xuseen waxa uu intaa sii raaciyey oo uu yidhi: “Markii saaladda maqrib laga baxay, ayaanu inantii soo helnay iyada oo maydkeedii uu daadku meel geliyey. Inankii yaraa na saaka ayaa laga helay xaafaddana oo ay meesha isu dhawaayeen oo daadku ku qariyey.”

Labada carruur ah ee daadku qaaday ee la badbaadin kari waayey, ayaa ka la ahaa sida waalidkiisu sheegeen inanka yar oo afartan habeen jiray iyo inanta yar oo iyana laba sano jir ahayd. Waxana qoyska masiibadu ku dhacday markiiba u gurmay dawladda dhexe iyo ta hoose ba, iyada oo habeenkii dhibtu dhacday ba uu qoyska booqday madaxweyne Muuse Biixi. Halkii subixii na uu duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco uu gaadhsiiyey lacag iyo raashin.

Cabdiqani Xuseen oo isagu ah wiil muujiyey geesinimo iyo hawlgal nafhurnimo ah, ayaan filayey in la abaal marin doono oo weli ba aan cindiga ku hayey in billad-geesi la siin doono. Ma se dhicin oo ma arag wax aan ahayn waraysiga laga qaaday. Waxay aniga iila muuqataa inta uu madaxweyne Muuse Biixi u yeedho in si heer qaran ah wiilkaa loo abaal mariyo. Wanaagii uu sameeyey na waa halkiisa oo Ilaahay ayaa abaal marin doona.

Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersare1.blogspot.no/

LEAVE A REPLY