Nafis Net Work Oo Walaac Ka Muujisay Gudniinka Hablaha Oo Kor U Sii Kacaya

0
842

Hargaysa (HP): Daladda la dagaalanka Gudniinka Hablaha ee magaceedda loo soo gaabiyo Nafis Net Work ayaa walaac ka muujiyay in uu kor u kacay Gudniinku mudadii uu socday caabuqa Corona Virus.

Waxaanay sheegeen inuu sii laba jibarmay Gudniinka habluhu intii lagu jiray xaaladda Covid-19 ee dugsiyadda iyo goobaha waxbarashadda dalka la safaxay.

Somaliland ay ka mid tahay wadamadda safka hore kaga jira ee weli laga isticmaalo Gudniinka Fircooniga ah, inkastoo ay hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba ay ku dedaalayaan sidii loo joojin lahaa arrintaasi.

Sidaasina waxaa shaacisay guddoomiyaha daladda Nafis Net Work Khadra Cumar Xasan, oo maanta warbaahinta kula hadashay xafiiska daladaasi ee magaaladda Hargaysa.

Daawo: Guddoomiyaha Nafis Net Work oo Arrimahaas Ka Hadlaysa:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here