“Nabad ku Ciidda”… Guddoomiyaha UCID

0
534

Hargaysa (HP): Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa dhanbaal hanbalyo ah u diray guud ahaanba ummadaha islaamka gaar ahaana dadka reer Somaliland munaasibadda Ciidul Fidriga awgeed.
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaa uu shucuubta Islaamka iyo shacbiga Somaliland Ku hambalyeeyay munaasibadda Ciidul Fidri.
Gudoomiyaha ayaa ILLAAHAY SWT ka baryay in uu acmaashi wanagsanayd ee Bisha Ramadaan innaga aqbalo.
Dhinaca kale, guddoomiyaha ayaa xusay in Bishan May ay tahay bil kulmisay, Ramadaan, Ciid, Xuska 18-may Iyo Doorasho.


“Waxaanu Rabbi ka rajeeyay in guul uu inoogu dhameeyo, dhamaan arrimaha muhiimka ah ee Bishan ku kulmay” ayaa lagu yidhi dhanbaalka hanbalyadda ah ee guddoomiyaha UCID.

Ugu dambayn, Gudoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay, Nabadda, Waxaanu sheegay in Nabaddu ku yar tahay caalamul Islaam, waxaanu bulshada ugu baaqay in ay isu naxariistaan, is xdhiidhiyaan, si ILLAAHAY ugu Naxariisto.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY