Muwaadiniinta Kenya oo Dawladdooda Ugu Baaqay Inay Hirgeliso Qunsuliyaddii Ay Ka Furanaysay Somaliland

0
669

Hargeysa (HargeisaPress)- Muwaadiniinta reer Kenya oo ku nool, kana shaqeysta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xukuumaddooda ku booriyey inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, si ay fursad ugu helaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda isla markaana ay u helaan xafiis ay hawlahooda la socodsiiyaan.

Siduu ku Warramay Wargeyska East African Business Week, Waxa Somaliland ka shaqeysta muwaadiniin u dhashay Kenya oo tiradooda lagu qiyaasay 10 kun oo qof waxaanay dawladdooda ugu baaqeen inay furto xafiiskii qunsuliyadda ee ay sheegtay inay ku yeelan doonto Hargeysa.

Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey  inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya.

Waxa kaloo uu intaasi ku daray in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xidhiidhaan mar kasta oo dhibaato soo gaadho.

Baaqa muwaadiniinta reer Kenya ayaa ku soo beegmay xili uu xoogaysanayo  xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyadoo shalayna  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay ka hadashay kulan uu Xoghayaha Joogtada ah ee  Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau  la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) oo ay sheegeen in labada Masuul ay shirkaas  kaga wada hadleen danaha guud ee labada dal wadaagaan iyo sidii loo sii taabogelin lahaa cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Jamhuuriyadda Kenya.

 

HargeisaPress News Desk 

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here