“Muuse Biixi Wuu Diiday Inuu Madaxweyne Ka Noqdo Soomaaliya”..Sarkaal Xog Cusub Fashiliyay

0
3686

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Waxaa dibada u soo baxday sir culus oo ku saabsan waxyaabihii lagaga wadahadlay kulankii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Abdillaahi Farmaajo, kulankaasi oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulankan oo dhacay horaantii sannadkii 2020-kii, ayaa waxaa ka soo baxay warar ka ay cadho xoogan ka muujiyeen shacabka Somaliland, kuwaas oo qaarkood lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed  uu safar ku imanayo caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo uu wehelinayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Abdillaahi Farmaajo.

Laakiin maalmo kadib Madaxweynaha Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo khudbad sanna-deedkiisii dastuuriga ahaa ujeedinayay labada gole Baarlamaan, ayaa sheegay in aanay suurto gal ahayn in uu Somaliland yimaado Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo uu la socdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay hadii uu qorshahaasi jirana ay dowlad ahaan cambaareynayaan.

Arrintaasi oo mudo ka soo wareegtay, ayaa waxaa ka soo kordhay xogo ku saabsan in xiligaa Abiy Ahmed uu ku qanciyay Farmaajo, is Madaxweyne Muuse Biixi uu u noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, si marka dambe loo mideeyo labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Sirtan culus, ayaa waxaa dibada u soo saaray Agaasimihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya, kaas oo sidoo kale mar noqday safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Jarmalka.

Diblomaasigan oo xilligan ku nool dalka Jarmalka oo uu magan-geliyo ku joogo, maadaama oo uu ka soo jeedo qowmiyada Tigreega ee xiligan dagaal kula jirta dowladda Itoobiya, ayaa wareysi laga qaaday waxaa uu ku soo bandhigay kulankii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynayaasha Somaliland, Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Diblomaasigan oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay kulankaasi, ayaa isagoo soo xiganaya sidii uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya arrintaasi ula wadaagay masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Dibadda ee uu ka midka ahaa, ayaa yidhi, “Abiy Ahmed waxaa uu nagu yidhi, waxaad ogtihiin inaan maalin dhawayd xafiiskayga iskugu yeedhay Muuse Biixi iyo Farmaajo oo ay is gacan qaadeen, islamarkaana aan ku qanciyay in la mideeyo Somaliland iyo Soomaaliya, madaxweyne kali ahna wada yeeshaan, taasina ma dhacdeen hadiin aan Wasaarada Arrimaha Dibadda marin lahaa, laba todobaad gudahoodna waxaan ku kulmi doonaa Somaliland oo aanu war-murtiyeed ka soo saari doono”ayuu yidhi.

Diblomaasigan baxsadka ah, ayaa waxaa uu intaasi ku daray in qorshahaas oo aan weli fulin ay Somaliland cambaareysay oo ay si weyn uga soo horjeedsatay, “intii aan la gaadhin todobaadba waxaa ka soo horeysay dhaleecayntii Somaliland”ayuu yidhi.

Xukuumaddii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Meles Zanawi, ayaa siyaasad ahaan ka soo horjeeday in midnimo dhexmarto Somaliland iyo Soomaaliya, halka lagu eedeeyo inay ka dambeysay nidaamka federaalka ee ka hirgalay Soomaaliya, nidaamkaasi oo sii kala fogeeyay dhinacyada Soomaaliya.

Laakiin, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa aaminsan arrigti ah isdhexgalka dadka ku nool dalalka Geeska Afrika, taasi oo midnimada uu u ololeynayaa ay dabcan qayb ka tahay Somaliland iyo Soomaaliya.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY