Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa kadib safarkiisii ugu horreeyey oo shakhsi ah oo uu dibadda ugu baxay tan iyo markii uu wareejiyey xilka Qaraka 13kii December 2024.
Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi waxa madaarka diyaaradaha ee Cigaal ku qaabilay hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu horkacayey Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, xildhibaano, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, wasiirro hore, siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed, iyadoo barxadda hore madaarkana ay ku soo dhaweeyeen dadweyne fara badani.
Intaa kadib waxa Madaxweynaha loo soo gelbiyey gurigiisa magaalada Hargeysa, waxaana waddooyinka xaafadda Shacabka ilaa afaafka guriga istubay oo si weyn u soo dhaweeyey boqolaal taageerayaal ah oo lulayey Calamada Qaranka Somaliland iyo ka xisbiga KULMIYE.
Soo dhaweyntaa kadib waxa dadweynaha fagaare kala hadlay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Cabdicasiis Samaale oo uga mahadceliyey dadweynaha sida quruxda badan ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynahoodii hore.
Ugu dambayn, Madaxweyne hore, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu isna si weyn ugu manaqnay shacabkii faraha badnaa ee farxadda ku qaabilay.
Hoos ka daawo muuqaalka