Musharrax 3aad Oo Ku Soo Biiray Tartan Loogu Jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada Ee Soo Socda

0
587

Hargaysa (HP): Musharixii Madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga mucaaradka ee UCID Prof.  Axmed Muuse Abyan,  ayaa shaaciyay inuu u sharaxan yahay golaha Wakiiladda Somaliland doorashooyinka soo socda.

Gaar ahaana guddoomiyenimadda golaha Wakiilada, isla markaana uu kalsooni ku qabo inuu soo baxayo  oo uu weliba ku guulaysan karo guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada.

Prof. Axmed Cabdi Muuse Abyan, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in aanu hadda ka tanaasulayn xilka uu hadda ka hayo Xisbiga.

Waxaanu yidhi “Waan sharaxan nahay, waxaana u sharaxan nahay Golaha Wakiilada Somaliland, rejo aad u wanaagsana waan qabaa, maxaa yeelay waxaan ka sharaxan nahay Xisbigayaga UCID.

Waxaana Shacabkayaga iyo Taageerayaasha Xisbigayaga ka filayaa inay codkooda I siiyaan, waliba anigoo qudha maaha ee dhammaan Musharixiinta kala duwan ee Xisbiga uga sharaxaan Golayaasha Wakilada iyo Deegaanka.

Meel kasta oo ay joogaan waxaan Shacabka iyo Taageerayaashaba leeyahay codkiina siiya Xisbiga, oo codkiina ugu hiilaya Xisbiga, maxaa yeelay maanta masuuliyiinta kala duwan ee Xisbigu soo sharaxay, waa dad wada xul ah, oo wada aqoon yahan ah, dalkana wax badan u qabanaya”.

Mar  wax lag weydiiyey kalsoonidiisa iyo hankiisa gaadhsiisay inuu hiigsado kursiga Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiilada, oo ay Faratoon iyo Cabdirisaaq Khaliif oo kala sharaxan Kulmiye iyo Waddani ay iyana rabaan.

Waxa uu  ku jawaabay “Haa… hankayagu wuxuu gaadhsiisan yahay inaan u tartamo kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, in aan ku guulaysanayo Guddoomiye-nimadana rejo fiican baan ka qabaa, labada masuul ee iyana hankoodu gaadhsiin yahay inay noqdaan Guddoomiyaha Wakiilada ee aanu isku haybta nahay.

Waan ka fursad fiican nahay, marka loo eego dhinaca walba, waxaana aad ugu rejo weyn nahay maadaama aan nahay nin dhalinyaro ah, inaan saxo wax kasta oo inaga khaldan, in nidaamka, sharciga iyo xeerarka dalka la ilaaliyo, waxaan ku rejo weyn nahay in Golaha aan isku wado, oo aan Mudaneyaasha isku wado, oo guud ahaan Shacab weynahay reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay u bogaan nidaamka iyo hanaanka sharci ee lagu maamulayo Golaha Wakiillada” ayuu yidhi Prof. Abyan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan ku rejo weyn nahay oo qorshahayagu yahay in aan ilaaliyo Sharciga dalka,waxaan ku rajo weyn nahay in Goluhu yeesho maamul, qorshe, himilo iyo kala dambayn, oo waliba aan mar qudha laga talaabsan sharciga inoo yaala”.

Geesta kale mar wax lagweydiiyey inuu iska casilayo xilkiisa Musharax ku-xigeen ee Xisbiga UCID ayuu yidhi “Maya iskama casilayo xilka aan hadda ka hayo Xisbigayaga, ilaa haddana kumaan fikirin inaan is casilo”.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here