Musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya oo La Kulmay Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Somaliland

0
2045

Muqdisho (Hargeisa Press)– Musharixiinta ku shirsan Muqdisho ee garabka mucaaradka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo uu horkacayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay hotelka Jazeera ee lagu waddo in maanta lagu soo gagabeeyo shirka midowga musharixiinta ayaa siyaasiyiintii tagay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleeymaan, Wasiir hore ee Arrrimaha Dibadda Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnaha ayaa shirka la wadaagay walaacood la xidhiidha sida ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso guud ahaan doorashada gaar ahaan guddiyada Somaliland kasoo jeeda oo soo magacaabistooda aan loo marin sida ay qabaan dhabihii sharciga ahaa.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay boobtay guddiyadii Somaliland ee doorashooyinka, hasse ahaatee waxaa taasi beeniyay xubnaha gobollada Waqooyi ee ka tirsan dowladda Dhexe oo sheegay in soo  magacaabista guddiyadan loo maray dariiqii saxda ahaa.

Shirka musharixiinta garabka mucaaradka oo ayaa la filayaa in maanta lagu soo  gabagabeeyo magaalada Muqdisho lagana soo saaro war-murtiyeed la xidhiidha hannaanka doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY