Musharaxa Madaxtinimo ee Xisbiga UCID Faahfaahiyay Oo Waxyaabaha Ay Kala Hadleen Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada iyo Asxaabta Mucaaradku

0
927

Jamaal CaliHargeysa,(HargeisaPress) —Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Sharaxaad ka bixiyey Kulamo  Shalay dhex maray Asxaabta Mucaaradka ah iyo Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada ka taageera Somaliland. Waxa uu sheegay inay kala hadleen arimaha Diwaan galinta oo ay ku muran san yihiin Mucaaradka iyo Xukumaddu.

“Waxaanu Qaadhaan bixiyeyaasha kala hadalay Arimaha Somaliland danta u ah, waxaanu kala hadalay Doorashooyinka iyo arinta ugu way nee ay u yimaadeen oo ah Xeerka labada diwaan galinood e eta madaniga ah iyo ta codbixiyeyaasha oo Xukumaddu gadhka isku galisay, taasi oo abuurtay jaah wareer badan” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharaxa Ucid waxa uu sheegay inay hore u kala saxeexdeen 3-da Xisbi iyo Wasaaradda Daakhiligu inay labada diwaan galinood noqdaan kuwo kala duwan oo aan shuqul isku lahayn.

Jamaal Cali Xuseen oo la waydiiyay bal inay qaadhaan bixiyeyaashu dhegaysteen Dacwadooda ayaa ku jawaabay “Dee Meesha dacwad ba maaha, waraaqo ayaa yaala Dhokomentis baa yaala, waana wax mar hore la kala saxeexday oo go’aan lagu gaadhay.maaha dacwad cusub iyo wax hadda la isku haysto ee Saxeexii  madaxweynaha ayaa yaala, saxeexii Wasiirka daakhiliga yaala, markaa dawladani waxay gashay  balanqaad ay Dadka u qaaday oo qaadhaan bixiyeyaasha u qaaday oo waliba qoraal ahaan inay sidaasi u soconayaan diwaan galinuhu balse maanta way ka duween” ayuu yidhi Musharax Jamaal.

Musharaxa Madaxweynaha Ucid oo sharaxaya sababta ay u diidan yihiin midaynta labada Diwaan galinood waxa uu sheegay inay wakhti dheer soconayso Diwaan galinta Muwaadinku balse ta Codbixiyeyaashu wakhti kooban qaadanayso.

Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada iyo dimuqraadiyada ka taageera Somaliland, ayaa la filayaa inay Xukumadda iyo Komishanka doorashadana kala hadlaan geedi socodka diyaar garowga doorashada sanadka 2015-ka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY