Musharax Khadar Qoorgaab oo Lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Laanqeyrta + SAWIRRO

0
1079

Baligubadle (Hargeisa Press) – Musharax Khadar Maxamed Muxumed (Khadar Qoorgaab) oo u Sharaxan doorashada golaha Deegaanka ee caasimada Hargeysa ayaa gaadhay deegaanka Laanqeyrta oo ka kala tiraan Somaliland iyo itoobiya oo ay degan yihiin dad ka soo jeeda gobolka hawd.

Murashax Khadar Qoorgaab ayaa waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Santarka Laanqayrta.

Dadweynaha magaalada Laanqayta ayaan u kula hadhin soo dhawaynta murashax Khadar Qoorgaab, kuwaas oo si qalbi furan ku qaabilay muujiyayna taageerada baaxada leh ee ay u hayaan murashaxa.

Sidoo kale, Musharax Khadar Qoorgaab ayaa waxa socdaalkiisa uu ku Wacyigalinayay in dadweynuhu Qaataan Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha uu ku soo maray Deegaano ka tirsan gobalka Hawd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here