Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Khudbad Qiiro Gelisay Bulshada ka Jeediyay Beerta Xorriyadda Hargeysa + SAWIRRO

0
854

“Shacabka Somaliland waxaan ukala doorta horumar iyo dib u dhac, kala doorta koonfur oo inagu qososha iyo inaynu diidno waxay doonayso….kala doorta qarrannimadeena iyo xuduudaheena oo aynu ilaalino iyo in aynu baylah noqono”

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha KULMIIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiiro gelisay quluubta dadka reer Somaliland ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga degmooyinka caasimadda oo cudduooda ku muujiyey maalintii u dambaysay ee gunnaanadka ololaha KULMIYE maanta.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu si xeel dheer uga hadlay qiimaha iyo karaamada ciidamada kala duwan ee qaranka  Somaliland oo uu ku ammaanay kaalintooda, waxaanu si aqooni ka muuqato u sharraxay qorshahiisa uu ku horumarinayo ciidamada dalka oo uu sheegay in ay kaalinta koobaad u tahay xisbigiisa shanta sannadood ee soo socda.

Ugu horreyn, Md. Muuse Biixi waxa uu ka dareen celiyey shacabka ku dhaqan Hargeysa ee taageeradooda xisbiga KULMIYE caddeeyey oo isu-soo-baxooda uu ka qaybgalay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaannu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, assaasaha xisbiga KULMIYE, Mudane Madaxweyne maanta Hargeysa waxay muujisay dareenka iyo kalgacalka ay u qabto hogaamintaada iyo codkooda halka ay marinayaan maalmaha soo socoda. Waxa  kale oo aynu u mahadnaqaynaa dhammaan gobollada Somaliland, bari ilaa galbeed sida  ay u taageereen xisbiga ee ay isugu soo baxaneen toddobadii maalmood ee lolaha.”

Murrashax Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu bulshada u jeediyay dhawr qodob oo dardaaran ah, “Dhor qodob oo dardaaaran ah ayaan u jeedinayaa bulshada reer Somaliland dhammaantood meel kasta oo ay joogaan, wax kasta waxa ugu horreeya amniga iyo nabadda, amniga tiirarka uu ku fadhiyaa waa ciidamada kala duwan ee qaranka. haddaynu ummadda Somaliland nahay waxaynu abaal u haynaa oo aynu qadarin u haynaa oo aynu noloshooda wax badan ka beddelaynaa shanta sannadood ee soo socda waa ciidamada qaranka ee kala duwan,” ayuu yidhi, waxaannu intaa raaciyey oo uu soo bandhigay hamigiisa uu doonayo in uu ku horumariyo ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxaannu yidhi “Ciidamada qaranka Somaliland ee maanta awooddooda lagu bixinayo codka, ciidammada taagan xudduudaha ee cadowga ka hiraya dalka, ciidammada qaranka ee carruurtooda iyo xaasaskooda aan dan ka lahayn, ciidamada qaranka ee aan gaajoon ee aan dhaxamoon, ciidammada qaranka ee marka xabbad iyo balaayo timaado isu dhigaya si ay dadkooda u badbaadiyaan, qaranka Somaliland abaal buu u hayaa, naftuu u hurayaa, ballan buu u qaadayaa inuu daryeelo naftooda iyo qoysaskoodaba shanta sannadood ee soo docda, sababtoo ah ciidammada qaranku waa nafteenii, innaguna naftoodii baynu nahay ciidamada.”

“Wallaalayaal, dad aan ciidamada qaranka qiimahooda aqoon baa soo qaadqaada oo yidhaahda wax baanu u qabanaynaa, maba garanayo qiimahooda ee muxuu u qaban karaa, ma ninka ku faanay walligay xabad maan ridin baa wax u qanaya ciidan qaran, ninka ku faana maan dagaalamin ee ceeb u haysta dagaalka qaranka miyaa wax u qabanaya, ciidammada qaranka KULMIYE ayaa daryeelaya shanta sannadood ee soo docda, waana mawduuca koobaad, haddaan ciidanka la daryeelin horumar la helimaayo, iskuul la heli maayo, caafimaadna la heli maayo, taas baa inoo ballan ah,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu xusay qorshihiisa uga meelyaal inuu ku horumariyo ciidammada qaranka haddii uu ku guulaysto doorashada talada dalka, waxaannu yidhi, “Ciidamada qaranka waanu xoojinayaa, waxaannu ku xoojinaynaa dhammaan dhalinyarada ka soo baxda jaamcadaha iyo iskuullada, shaqo qaran ayaanu qoraynaa, ciidannimada ayey baranayaan, ciidanka ayey ku soo tababaranayan oo ay ku soo horraynaynaa. Ictiraafka waxa lagu helayaa, markaynu ciidan xoog iyo haybad leh aynu helno, cadowga waxaynu iska celinaynaa marka ciidankeena laga haybadeysto.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay hannaanka uu doonayo inuu ku horumariyo dhaqaalaha Somaliland, “Dhammaanteen waxaynu u hanqal-taagaynaa in aynu helno horumar dhaqaalaha, sidee ayeynu ku gaadhaynaa horumar dhaqaale, kow waxaynu soo saarayna cunto innagu filan, marka labaad waxaynu dhawraynaa ragga iyo hablaha hal-abuurka ah ee sameeyay shiradaha ganacsiga ee reer Somaliland oo iyaga oo aan haysan baanan caalami ah oo aan ictiraaf haysan inoo sameeyay shirkadaha waawayn ee caalamka la xidhiidha, kuwaas ayeynu dhawraynaa, iyagana waxa ku waajib ah oo aynu ka hirgelinaynaa in dhaqaalaha ay dalka ka heleen ay geliyaan dhulka oo ay warshado iyo shaqo ku abuuraan, labadaas ayey dawladu isu keenaysaa, markaas ayeynu ka helaynaa shaqo iyo dhaqaale.”

Dhinaca kale, murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu codbixiyayaasha reer Somaliland kala hadlay doorashada iyo muhiimada uu leeyahay inay codkooda u meeldayaan, “Maalinta 13-ka bishan waxaynu u dareeraynaa codayn, xisbiyada tartamayaa midi run buu sheegayaa oo dal jacayl buu sheegayaa, midina been ayuu innagu maaweelinayaa oo shaki buu leeyahay. Nimanka Xamar jooga wax kasta way isku diidan yihiin, dawladnimo heshiis kuma aha, iyagu isma ogola, waa toddoba dawladood, hal wax bay heshiis ku yihiin oo ah in aan Somaliland la ictiraafin, qodob labaad ayey heshiis ku yihiin oo waxay jecel yihiin xisbi Somaliland ka jiraa inuu soo baxo, garanmaayo labadaasi siday isu qabteen, garanmaayo sababta Koonfuri ugu ololayso ee ay heshiiska ugu yihiin in uu soo baxo xisbi ka jira Somaliland iyaga oo aan wax kale heshiis ku ahayn. Reer Somaliland xisbigaa cod siinmaayo, sababta oo ah shaki buu  leeyahay oo garanmaayaan meel uu u jeedo.”

“Wallaalayaan maanta qaranka Somaliland codkiina ayuu u baahanyahay, kala doorta horumar iyo dib-u-dhac, kala doorta Koonfur oo innagu qososha oo innagu dabaaldegta iyo Koonfur oo waxay doonayso aynu diidno, kala doorta xadkeena iyo qarrannimadeena oo aynu ilaalino iyo in aynu baylah noqono, codkeenu waa horumarka, waa nabadda, codkeenu waa ictiraafka, taas ayeynu isku ognahay.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here