Murrashax Saajin: “Kuwa isbeddel baanu samaynaynaa leh waa tuugtii waddanka dhacday..”

0
1916

Boorama (Hargeisa Press)- Murashaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama kala qaybgalay dhoolatuska ololaha xisbiga, kaasi oo xisbiga maalintiisii kowaad u ahayd.

Murrashax Madaxweyne kuxigeen ee xisbiga Kulmiye, ayaana khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal.

Waxaanu murashaxu taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolkaasi u jeediyay dardaaran la xidhiidha doorashada, wuxuuna u sheegay in maalinta doorashada ay codkooda ugu hiiliyaan musharaxiinta xisbiga Kulmiye iyo xisbigaba.

Sidoo kale, waxaa uu ka waramay horumarka ballaadhan ee la taaban karo ee xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi ka hirgelisay gobolka Awdal.

Murrashax madaxweyne ku-xigeen, ayaa waxaa uu dhinaca kale eedayn culus u jeediyay masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Waxaanu ku eedeeyay masuuliyiinta xisbiga Waddani ee yidhaahda inay isbeddel baanu samaynaynaa in ay yihiin tuugtii waddanka dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here