Murrashax Muuse Biixi oo Daaha ka Fayday Fadhiidnimada Golaha Wakiillada ee uu Hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro

0
1133

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kulul u dhaliilay waxqabadka Golaha Wakiillada Somaliland ee uu hoggaamiyaha ka yahay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaannu shaaca ka qaaday in golahaasi ku guul-darraystay inay ummadda wax la taaban karo u qabtaan muddo 12-sanno ah oo uu gadh-wadeen u ahaa.

Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu daah-furay bixinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha ee Gobolka Togdheer oo ka dhacday magaalada Burco maanta, waxa uu si faahfaahsan bulshada ugu sharraxay sida Golaha Wakiillada ee uu gadhwadeenka ka yahay Cabdiraxmaan Cirro uga gaabiyeen waajibaadkii qaran ee loo doortay iyo niyad-jabka ay ku rideen ummadda.

Guddoomiyuhu waxa uu is barbar-dhig ku sameeyey labada ee xukuumadda iyo Baarlamanka ee waqtigan ka jira Somaliland, waxaannu xusay in Wakiilladu yihiin gole awood badan la siiyey oo xataa xukuumadda ka awood sarreeya, balse aan waajibaadkoodii kasoo bixin, “Dawladdu waxay ka koobantahay laba qaybood oo kala ah xukuumadda oo uu madaxweynuhu oday u yahay iyo Golaha Wakiillada oo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wakiil u ah, cidda aynu ka rabno hawsha maanta taagan, ta berri iyo maalin walbana waa iyaga, labadana waxa awoodda weyn leh Wakiillada,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyuhu waxa uu qeexay shaqooyinka baaqday ee waajibka ku ahaa Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay safka hore kaga jiraan xeerarka uu dalku baahida badan u qabo, waxaannu yidhi “Baarlamaanka waxa laga rabaa inay dejiyaan siyaasaddii iyo xeerarkii lagaga bixi lahaa faqriga, maantana waxa aynu arkaynaa oo weli horyaalla xeerkii dadka maalka haya iyo kuwa aqoonta leh isku geyn lahaa oo lacagtu wareegto si uu qaranku hore ugu maro, haddii lacagtiina meel fadhiisato oo ninkii lahaa qasnad ku xidho kii aqoonta lahaana qaranku hore u mari maayo baryana ka bixi maayo.”

“Maanta Baarlamaanka iyo Guddoomiyahooda oo murrashax ah waxaan ku dhaliilayaa inaanay samaynin xeerkii lacagta iyo dadkaas aqoonta leh isku geyn lahaa, xukuumadduna inay ku daba joogto bay ahayd oo ay tidhaahdo maxaad waxan u dhaqaajin weydeen,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu caddeeyey inaanay Golaha Wakiilladu muddadii dheerayd ee kuraasida ku fadhiyeen fulinin wixii laga filayey ee waajibka ku ahaa iyo wax u dhaw midna, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Baarlamaanku xukuumadda wuu ka adagyahay oo isaga ayaa ka awood badan, maantana Baarlamaanku wax way qabteen oo ma wada dafirayno, laakiin hawshii aynu ka rabnay 12-sano ee ay fadhiyeen boqolkiiba toban (10%) kamay qabanin.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu farriin dhaxalgal ah uu u diray muwaadiniinta qaadanaya kaadhadhka codbixinta ee ay kaga qaybqaadanayaan doorashada madaxtinimada ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo 13-ka bisha November, kaasi oo u sahlaya codkooda ku go’aamiyaan ciddii horumarka dalka wax ka tari lahayd, “Muwaadinka codaynaya waxa laga rabaa kaadhka uu maanta qaadanayaa inuu dhibaatooyinka jira saxo, mana ah inuu qaato inuu qof si uun wax ugu sheegay ugu rido, laakiin codkaagu waa inuu keenaa Baarlamaan hawshiisa qabsanaya oo uu keeno Somaliland oo wax isku darsata oo kala qoqobka iyo xaafad-xaafadda ka baxda, codkaagu maanta waa inuu ka taliyaa sidii shaqo la’aanta dalka haysata looga bixi lahaa, ummadaha adduunka oo dhammina ma laha dal aan shaqo la’aan iyo dhibaatooyinka aynu soo marnay iyo kuwo ka liita soo marini, laakiin dadku iyagaa inta ay fikiraan dhibaatooyinka ka wada baxa, shaqo la’aanteenana way dhib yar tahay sida looga baxaa,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi Cabdi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY