“Murashax/Ganacsade Bookh; Muwaadin Shacabkiisa Uga Waxqabad Iyo Damqasho Batay Kuwii Ay Doorteen”

0
785

GABILEY,(HargeisaPress)- Murashaxa Maxamed Cabdilaahi Jaamac  Bookh Waa Muwaadin Ganacsade ah Oo Door Muuqda ka Qaatay  Bilicda Iyo Horumarka Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley Isagoo Ka Hirgaliyay Huteel iyo kaalin Shidaal oo casri Ah Islamarkaana Buuxiyay Baahidii Dadka U safra Gobolku U qabeen Huteel Casri ah oo leh Qaybaha Kala Duwan Ee Cuntada,Hoolka Shirarka Iyo  xafladaha , Halka kaalinta shidaalku ay tahay mid 24saac Bulshadu ka Adeegan karto,

Murashax/Ganacsade Maxamed Cabilaahi Bookh wuxu kamid yahay Dhalinyrada U sharaxan Doorashada Golaha Wakiilada ee Mudaba Dhowrka Jeer dib  U dhacday.

Hadaba Ganacsade Bookh wuxuu door muuqda Ka Qaatay Horumarinta gobolka,Taakulaynta Shacabka Gaar Ahaan dadkii Waqooyiga gabiley ee Abaaruhu saameeyeen oo uu dhowr jeer gaadhsiiyay taakulo isugu jirtay  agab iyo raashin isagoo noqday muwaadin gurmad shacabkiisa Uga waxqabad iyo birmad fiicnaaday Mudanayaashii ay 14sano ka hor u doorteen Golayaasha Qaranka,Balse isagu la wadaagaya hadba waxa ay ku sugan yihiin,

Labadan Bas ee muwaadin ganacsade bookh ugu talo galay ardayda dugsiga sare ee Qalax Ayaa waxaa si wayn u soo Dhaweeyay ardayda dhigata Iskuulkan iyo Waalidiintooda, sheegayna in ay ka daboolayso Baahi wayn  oo loo Qabay Gaadiidan haday tahay mid dhaqaale iyo Helitaanba,

Midkamid ah Ardayda Dhigata Dugsiga Qalax oo ka Dareen Celiyay Basas u kala goosha Magaalada iyo dugsiga ee ay heleen ayaa yidhi “Aad Ayaan Ugu faraxsanahay in uu dugsigaygu yeesho Gaadiidkan. waayo markii hore maanu lahayn wax aanu raaco bijaajkana dhaqaale ahaan ayaanan iskaga bixin karayn lakiin basku imika waan awooda in aan raaco waanan soo dhawaynayaa,ganacsade bookhna Waxaan leeyahay ilaahay ha kaa Abaalmariyo”Ayuu yidhi Cumar Maxamed Ciise Oo dhigta fasalka 3aad ee Dugsiga Qalax.

Dhanka kale Baraha ay ku kulanto bulshada gaar ahaan shacabka reer gabiley ayaa hadalhayntoodu ku badayn basaska lagu xardhay magaca dugsiga sare ee qalax kuwaasi oo ku amaanay muwaadin keenay gaadiiidkan oo ardayda uga jaban 75%gaadiidkii hore ee ay hore ugu raaci jireen iskuulka.

Si kataba ha ahaatee ganacsade bookh waa shaqsi la dareen ah bulshada islamarkaana iskii isku xilqaamay oo ka dhex muuqda guud ahaan gobolka gabiley kana saamayn badan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here