Murashax Cabdirisaaq Hero iyo Ololihiisa Loolanka Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Saameyn Ku Yeeshay Gobolka Togdheer

0
950

Burco,(HargeisaPress)-Murashax Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi, oo Caan ku ah Guud ahaanba Deegaankiisa, iyo Inta Kale ee Somaliland, Cabdirisaaq Hero ayaa Noqdey Murashaxii ugu Ololaha Cuslaa Murashaxiinta Ka Tartamaya, Golaha Deegaanka Degmada Burco ugu Yaraan in Ka Badan Labaatan Xafiis, oo ah Kuwa ay Taageerayaashiisu Dhoolatuska, iyo Abaabulka, iyo Diyaargarawga Codbixinta Ku Galayaan Ayaa Laga Furey Magaalada Burco.

Cabdirisaaq Waxa uu Kamid yahey, Murashaxiinta Golaha Deegaanka Degmada Burco, Kuwa ugu Taageerada iyo Dhaqdhaqaaqa Badan, Waxaanu Kamid yahey Aqoonyahanka, Ku Dhashey, Ku Barbaarey, Ku Bartey, Ku Guursadey, Ku dhaley Isla Burco, Wakhtigana u Tafa Xaytey Inuu Wax Weyn Ka badelo Waxqabadka Arimaha Bulshada Kuwa Assaasiga u ah.

“Waxaan ahay qof garanaya baahida Golaha deegaanka Burco taalla isla markaana aamin ah” Ayuu Yidhi Musharrax Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero).

Wuxuu Ka Sharaxan Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Isagoo Noqonaya Murashaxiinta ugu Saamaynta Badan Gobolka Togdheer Khusuusan Loolanka Golaha Deegaanka, isagoo dhawaana Shacabka La Wadaagay Qorshayaashiisa hadiiba uu Ku Guulaysto Maayarka Degmada Burco.

Murashaxa Xaaskiisa Hodan Riiraash ayaa iyaduna Qeyb Ka ah Ololaha Murashaxa Taas oo Siweyn Looga Dareemayo,dhaqdhaaqyada ay u Wadaan iyada Haween Fara badani ololaha Cabdirisaaq, Waana Murashaxa Kaliya ee inta la Arkey, hada Guud ahaanba Somaliland Xaaskiisu Kaalin adag kaga jirto Loolanka Murashaxnimadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here