Murashax C/raxmaan Cirro Muxuu Ka Yidhi Go’aankii Maxkamadda Sare?

0
458

Hargaysa (HP): Musharraxa jagaddda madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan go’aankii ay shalay soo saartay maxkamadda sare ee Somaliland.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay in go’aankii maxkamadda sare uu gogol xaadh u yahay in doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto xilligeeda dastuuriga ah ee ku began 13-ka bisha November ee sanadkan 2022-ka.
Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo qoraal kooban oo uu go’aankii maxkamadda sare kaga falceliyay lagu baahiyay bogga Facebook, ee xisbiga WADDANI.
Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan, “Go’aanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee 16-kii January 2022- ka soo baxay.
Waxa uu gogol xaadh u yahay in doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku qabsoonto xilligeeda Dastuuriga ah ee November 13 2022-ka”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY